26th July 2024  admin  Category :

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay safar shaqo ku tagay magaalada Muqdisho ayaa maanta 06 September, 2016  kulan khaas ah la qaatay ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Qadar ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay wanaajinta xiriirka ka dhexeeya Dawladda Qadar iyo Dawladda Puntland iyo sidii ay Dawladda Qadar uga qayb qaadan lahayd mashruuca dayac tirka khasaarihii ka dhashay qaraxyadii kala duwanaa ee kooxaha sharwadayaasha ah ay ka geysteen magaalada Gaalkacayo, qaraxyadaasi oo sidoo kale dhibaato xoogan gaarsiiyay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale waxaa uu Dawladda Qadar u jeediyay inay Dawladda Puntland ku gacan siiso dib u dhiska Cusbitaalka magaalada Gaalkacayo oo ay si weyn dhibaato ugu geysteen qaraxyadii Gaalkacayo ee ay soo maleegeen kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab, kuwasi oo ay ku nafwaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan isla markaana ay ku buburtay hanti baaxad leh.

Hassan Bin Hamza Asad Ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay in Dawladda Qaddar ay soo dhoweynayso in la dardar geliyo xiriirka labada dhinac , sidoo kale wuxuu sheegay in Dawladda Qadar ay ka xuntahay dhibaatadii kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacayo, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaasi isagoo caafimaad u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay, ku simaha Safiirka Qadar ee Soomaaliya wuxuu sidoo kale sheegay in Dawladda Qadar ay ka qayb qaadanayso mashruuca dayactirka khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan wax ka qabashada iyo dib u habaynta hantidii khasaaruhu kasoo gaaray qaraxyadii Gaalkacayo, wuxuuna Madaxweynuhu diyariyay qorshe taabba gal ah oo ay xukuumadda Dawladda Puntland ugu tala gashay in si deg deg ah loo hagaajiyo goobihii kala duwanaa ee ku burburay qaraxyadii ay kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab ka geysteen Magaalada Gaalkacayo.


–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

 

IMG_5663 IMG_5667 IMG_5670 IMG_5675 IMG_5678 IMG_5679 IMG_5682 IMG_5685 IMG_5687 IMG_5688 IMG_5689 IMG_5693 IMG_5696 IMG_5712 IMG_5713 IMG_5717 IMG_5719 IMG_5725 IMG_5726 IMG_5738 IMG_5745 IMG_5753 IMG_5756 IMG_5764 IMG_5794 IMG_5805 IMG_5834 IMG_5844

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*