26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Culusoow oo furay shirka wadatashiga madaxdii hore

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay ‘shir wadatashi ah’ oo ay kasoo qeybgaleen madaxdii hore iyo siyaasiyiiin kale, kaas oo ka furmay hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlayaa xaaladda dalka, amniga, dagaalka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimoqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Agaasimaha madaxtooya Villa Somalia Xuseen Sheekh ayaa warbaahita dowladda u sheegay ‘in madaxweynuhu uu diyaar u yahay inuu dhageysto aragtida iyo talada dalka ee madaxdii hore, maadaama ay socdaan doodo masiiri ah, sida dhammeystirka dastuurka, heshiiskii doorashada iyo xoreynta dalka.’

Shirkan oo socon doonaa muddo laba maalmood ah ayaa sida uu sheegay agaasimaha madaxtoodu wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumaday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaarayaashii hore, guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Federaalka, iyo siyaasiyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*