26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne adiga iyo  dalka Maraykanka yaan  la idiin dhaxayn?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmajo, oo isagu haysta dhalashada dalka Maraykanka, in badana ku noolaa dalkaas uma baahna in Isaga iyo labadiisa dal  loo kala dilaalao ama wakiil looga noqdo.

Image may contain: 2 people, people sitting, suit, wedding and indoor

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Wilson Reagan  iyo madaxweynihii hore Soomaaliya  Maxamed Siyaad Bare

Image result for CABDIRASHIID CALI SHARMAARKE JFKMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid cali Sharmaarke iyo madaxweynhii hore ee Maraykanka John Fitzgerald “Jack” Kennedy

Mar haddii doorashaddii uu ku guulaystay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aad looga soo dhoweyey dalka Maraykan oo  wargaysyada dalkaas ka soo baxa cinwaan looga dhigay ” Nin inaga mid ah ayaa ku guulaystay dorashaddii xorta ahayd ee ka dhacday  dalka Soomaaliya .

Sidaas awgeed, Ma jirto sabab madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Dawladda Maraykanka loo kala dilaalo. haddi ay ahaan lahaayeen dilaaliyeen Soomaaliyeed, Shakhsiyaad ajaabiib ah oo dano gaar ah leh, sheegtana inay ku takhasuseen arimaha Soomaaliya  iyaga oo  dano gaar ah leh, wadamada deriska aynu nahay sida Itoobiya Jabuuti  iyo Kenya, wadamada Khaliijka iyo Turkiga.

Ugu danbayntii Soomaaliya halka ay  maanta taalo  waxa dhigay waa  Dilaaliyiin Soomaaliyeed oo la shaqaysta dawlado shisheeye, oo aan  doonayn Soomaaliya oo lugaheeda ku istaagto , had iyo jeerna  Soomaaliya ka bixin jiray sawir khaldan oo  been ah. Hadaba si taa looga baxo madaxweynaah Cusub isaga oo ka faaiidaysanaya khibradiisa, waa inuu fariinta dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed doonayaan uu gaarsiiyo New york oo ah gobolkiisii, ahna meesha ay ku taalo xarunta Qaramada midoobey iyo magaalada  Washington oo aan ka fogayn oo ah xarunta Arimaha dalka Maraykanka  Madaxweyne Dantaada iyo dalka Soomaaliya maanta meesha ay ku jirto waa taqaan.

https://allsanaag.com/madaxweyne-farmaajo-iyo-safarkiisa-ugu-horeeya/

ALLSANAAG.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*