29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo, xilli maanta uu dalkiisa xusayo sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi.

Madaxweyne Erdogan oo maqaal ku qoray wargeys ayaa sheegay in aanay wax marmarsiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga ee sugay inta ay ka kala caddaanayso xaaladda isku-daygii afgembi.

Waxa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay magangelyo siiyeen xulafada Fethullah Gulen, oo ah wadaad fadhigiisu yahay Maraykanka, Erdogan-na uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyay falkaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku gacan-sayray eedeymaha ah in xukuumaddiisa ay gacan bir ah ku qabatay dadka lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku-daygaasi afgembi.

Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhacaya munaasabado dhowr ah oo lagu xusayo sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Rajab Tayid Erdogan.

15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa shir gudoomin doona kulan gaar ah oo uu maanta baarlamaanka Turkiga yeelan doono, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga qeybgalin isu soo bax ka dhici doona buundada Bosphorus, halkaasi oo dad diiddan isku-dayga afgembi ay habeenkii 15-ka July 2016 kaga hortageen askartii fulinaysay.

Xukuumadda Ankara ayaa soo saartay wareegto aya shaqada kaga ceyrisay in ka badan todobo kun oo isugu jira saraakiil booliis ah, xubno dowladda ka tirsan iyo aqoonyahanno.

Ankara ayaa ka dooneysa Maraykanka inuu Turkiga ku wareejiyo wadaadka Fethullah Gulen, oo ay sheegtay inuu ka dambeeyay isku-daygaasi afgembi.

Madaxweyne Erdogan ayaa dalbaday in marnaba aan wax damqasho ah loo muujin kuwa shaqada laga tiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*