8th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Garoowe, Maarso, 09, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa Aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wefti uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Madaxweyne siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadidoonaan taageerada dhanwalba leh ee ay ka taageerto Dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*