29th March 2024  admin  Category :

Wasiir Xanaanada xoolaha Jubbaland oo Nabad iyo Nolol Isbaaro u dhigteen Garoonka Aadan cade

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii la soo dhaafay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka qabtay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee Jubaland Maxamed Xasan Maxamed.

Wasiirka oo damacsanaa inuu u baxo dalka dibadiisa ayaa laga reebay diyaaradii uu la socday, waxaana kadib laga qaatay baasaboorka Diblomaasiga iyadoo intaas kadib diyaarad kale loo saaray Kismaayo.

Wasiirka oo aan la hadalay ayaa warbaahinta ayaa xaqiijiyay in arintaan ay kula kaceen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka islamarkaana ay u sheegeen in ay tahay amar la siiyay.

Wasiirka ayaa “dhibaatooyin loo geestay ka hor inta aan lagu celin Kismaayo” sida ay sheegeen wasiiro kale oo ka tirsan Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore Baasaboorka Diblomaasiga ka reebatay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Jubbaland waxayna arrintaasi qeyb ka tahay cadaadiska saaran Jubaland.

Wasiirka Maaliyadda Jubaland Cabdirashiid Jire Khalinle ayaa maalmo ka hor shaaciyay inuu joojiyay wadashaqeyntii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana uusan ka qeyb galeyn shirka deyn-cafinta dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta in aysan shirkaasi uga qeyb gali doonin ay tahay kadib markii arkeen in dowladda federaalka ah ay cunaqabateyn ku hayso shacabka maamulkaasi, islamarkaana garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu dhibaateynayo mas’uuliyiintooda, sida uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*