28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu  hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe12 July 2017  Garoowe dib ugu soo laabtay, kadib shirkii amniga Qaranka Soomaaliyeed  oo ay Muqdisho kaga qayb galeen.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Axmed Cali  Xaashi, guddomiyaha gobolka Nugaal iyo duqa degmada Garoowe,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamadda qolabka sida, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, Isimo, cuqaal iyo qaar kamida bulshadda Magaaladda Garooowe.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda shirkaasi iyo qodobadii laysla waafaqay ayaa sheegay in lasyla afgarta barnaamij hore loogu heshiiyey, isla markaana lagu balamay in laysaga yimaado dib u dhiska ciidamada dalka, isku dhafka ciidamada, xoraynta dalka iyo midaynta difaaca dalka.

” ku dhowaad 10 cisho ayaanu ku maqnayn Xamar oo uu ka dhacayey shirkii amniga qaranka oo hore loogu heshiiyey in laysaga yimaado dib u dhiska ciidamada dalka, isku dhafka ciidamada dalka, xoraynta dalka iyo midaynta difaaca dalka, hawshaasi waad la socoteen bishii April 16 2017 waxaa laysla afgartay barnaamij hore loogu wadayo difaaca dalka iyo  dib u dhiska ciidamadii qaranka” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey si looga guun gaadho heshiiskaasi lagaadhey in loo baahan yahay wadda shaqayn ayeeshaan  xukuumadda DFS  iyo Dawladaha xubnaha ka ah DFS, isla markaana waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in shirkaasi amniga guul lagagaadhey.

”Dabcan arrintaasi waxay u baahan tahay wadda shaqayn dhanka Xukuumadda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka inay kawada shaqeeyaan oo ay isku mawqif ka ahaadaan arrimahaa iyaga ah , runtii shirkaasina wuxuu kusoo dhamaaday guul, waxaanuna kusoo kala tagnay in Dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xunaha ka ah DFS ay si dhaw u wadda shaqeeyaan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlaya arrimo la xidhiidha cashuurta laga qaado muwaadiniinta Puntland ayaa sheegay in loobaahan yahay in cashuurta la bixiyo oo weliba si joogta ah loobixiyo si looga gun gaadho socdaalka dheer ee loogu jiro ka xoraynta dalka kooxaha tamarta yar ee ku dhuumaalaysanaya , waxaana uu madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inaanay dawladdu ka qaadayn shacabkeeda wax ka baxsan sharciga, ganacsatada ka doodaysa cashuurta ay ansixiyeen xukuumadda iyo golaha wakiilaguba ay qalad ku doodayaan ayna tahay inay gartaan wixii dan u ah iyaga, madaama cashuurtaasi lagu sugayo iyaga amnigooda, maalkooda iyo noloshoodaba.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland  ayaa tibaaxay in dalku u baahan yahay ciidan Soomaali ah oo sumad Soomaaliyeed leh,  dalkoo dhana laga keeno, isla markaana laga dhigo ciidan ka midaysan qadiyad Soomaalinimo iyo mid muwaadinimoba.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa dhankiisa ku  bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland  halganka dheer ee ay ugu jiraan sidii ay shacabkoodu nabad ugu noolaan lahaayeen, isla markaana cadawgooda u diidey inay kusii noolaadaan Puntland, waxaana uu shacabka Puntland ku bogaadiyey wada shaqaynta fiican ee ay laleeyihiin ciidamadooda.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ayaa ku bogaadiyey Dawladda cusub ee Soomaaliya horumarka wanaagsan ee ay ku talaabsatay, madaama ay samaysay markii ugu horaysay arin kudayasho mudan kaas oo ah in lagu qabto maamuladda dalka shirarka muhiim ka ah oo uu ka midyahay kan golaha Wasiiradda DFS oo malinimada berrito  ka dhicidoona magaalada Kismaayo ee caasimada Jubaland.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*