21st December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Shir Guddoomiyey Shirka Amniga DGKGS
Madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen, ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee laamaha Amniga, ATMIS iyo Saraakiil ka soctay Dowladda Ingiriiska.
Kulanka oo warbixin looga dhaggeestay Saraakiisha Ciidanka, ayaa kaga warbixiyay guud ahaan xaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga,Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka,Wadaagida Xogaha iyo Xoojinta Howlgalada Socda.