12th May 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Madaxa Ciidanka ATMIS

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo booqasho ku yimid Jubaland.

Wafdiga Waxaa kamid ahaa qaar kamid ah wakiilada hey’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Dowlad goboleed Jubaland ayaa lagaga hadlay dardar galinta howlgalada dib u xoraynta ee maamulka Jubaland uu ka wado qeybo badan oo kamid ah Jubbaland iyo sidii howlgaladaas ay uga qeyb qaadan lahayeen Ciidamada ATMIS ee ku sugan Jubaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*