26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Furay shir Caalami ah oo laga Hadlaayo Abaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federalka Ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Furay shir heerkiisa sareeyo oo laga hadlaayo Arimaha Abaaraha ka Jiro Soomaaliya.

Shirkan oo ah kii ugu Miisaanka Cuslaa ee looga hadlaayey xaalada Bini aadannimo ee ka jirta Soomaaliya ayaa waxaa ka qey galayo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya , maamul goboleedyada  dalka iyo Ha’aydaha Qaramada midoobay iyo kuwa kale oo gaarka bini aadannimada ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa qudbadiisa furitanka ku sheegay in Xaalada abaarta ay mareyso meel xun isla markaana ay lama huraan tahay in laga jawaabo waqtiga munaasabka ah ee loo baaahanyahay.

Faahfaahinta shirka iyo war murtiyeedka laga soo saaro dib ayaan idinkuugu soo gudbin doonaa insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*