26th July 2024  admin  Category :

Gaas “Puntland uma baahna Buuq iyo Khilaaf”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaalada ka jirta Puntland, iyo waxyaabo badan uu u qabsoomay maamulkiisa saddexdii sano ee uu xilka hayay.

C/wali Gaas oo wareysi siiyay Idaacada Daljir oo ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ka howl gasha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa uu dib u habeyn xooggan ku sameeyay wasaaradaha dowladda iyo dhaqaalaha.

Mar wax laga weydiiyay safarada uu dibadaha ugu baxo iyo dhaliilaha loo jeedinayo ayuu sheegay in safaradaas ay ahaayeen kuwo muhiim ah

“Waxba ma aadan qaban inta la ii dhihi lahaa, hala yiraahdo diyaarad buu saaran yahay, aniga 40 sano ayaa diyaarad saarnaa, hotel fiican seexanayay, uma baahni diyaarad iyo hotel, waxaa rabaa in dalkan uu horumaro”ayuu yiri C/wali Gaas.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay Midnimo iyo wadajir, balse aanay u baahneyn buuq iyo xasarad laga abuuro.

“Puntland waxay u baahan tahay Midnimo iyo Wadajir, uma baahna buuq, xasarad, uma baahna nin dan leh inuu dadka kiciyo, waxay u baahan tahay, iyadoo mid ah oo danteeda raadsato, degenaansho, nabadgelyo iyo horumar”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Mr Gaas ayaa sheegay in aan loo baahneyn khilaaf iyo iska hor imaad, isagoo xusay intii la abuuri lahaa qalalaaso loo baahan yahay wixii dadka qabaan loo maro nidaam iyo shuruuc u degsan sida uu yiri.

Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa yimid, ka dib markii kooxda Aaran jaan ee ka amar qaata Qoyska reer Faroole  ay warbaahinta ka sheegeen hadalo ay wax ugu dhimayaan amaanka Puntland iyaga oo sheeganaya caasimadda Puntland ee Garowe inay gaar u leeyihiin

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*