28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Galmudug oo saaka soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar todobaadyo qaatay oo uu ku maqnaa dalka Turkiga oo ay qoyskiisa degan yihiin.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Wasiiro, Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, xildhibaano iyo wasiiro.

Shirka Muqdisho ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalmo dib u dhacay, taasoo sabab u aheyd maqnaanshaha Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ku sugnaa Turkiga.

Rajada laga qabo shirka laga qabo ayaa aad u hooseysay, taasoo keentay in walaac badan uu ka dhasho, shuruudaha iyo caqabadaha ku horgudban shirkaas ee ka imaanayay labada dhinac.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa isna la filayaa inuu Muqdisho yimaado labada maalin ee ugu soo horeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*