26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Garoowe Ku Kulmay

Kulan aan horey loo shaacin ayaa magaalada Garowe ku dhexmarey  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, Madaxweynhii hore ee Puntland  Cabdiraxman Maxamad Farole , Ra’isal wasaare Cumar Candirashid Cali Sharmaake iyo Xildhibaan Jurile oo ka tirsan aqalka sare ee Barlamsnka Somalia.

Kulankaan oo ka dhacey aqalka madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ka dagan yahay magalaada Garowe ayaa inta uu socdey saxaafada dibada ka joogtey.

Wararka aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wadahadalkaan diirada sarayey doorashada Somalia kuwaasoo la filayo in la soo afjaro dhamaadka Bisha December, 2016.

Wadahadalkaan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xili maanta maamulka Puntland soo afjarey doorashada xildhibanada aqalka hoose ee Barlamanka Somalia  kuwasoo xubnihii ugu dambeeyey ee ku tartamyey xubinimada aqalkaan la kala la doortey maalmihii 11-12 December, 2016.

Wadahaladaan ayaa sidoo kale siyaasiyiinta isugu timid sida Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Somalia iyo Ra’isal wasarihii hoe ee Somalia ahna xubin ka tirsan aqalka sare waxey yihiin musharaxiin u tartamaya xilka.

largelarge-1

15541224_1364763496870075_7529918374751077767_n

largelarge-1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*