26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dawladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01 Oct, 2016 Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michel Carvone.

Kulanka ayaa waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Shire Xaaji Faarax iyo Agaasmiha guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf waxaana looga hadlay sidii loo sii dar-dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland oo ay ka mid tahay barnaamijyada caafimaadka, dhismaha iyo dib u dayactirka waddada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo iyo mashaariico kale oo tiro badan oo midowga Yurub uu ka fuliyo Puntland.

Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Michel Carvone ayaa dawladda Puntland ku ammaanay sida ay uga faa’iidaysaneyso mashaariicaha horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland, isla markaana waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradooda ay la garab taagan yihiin Puntland.

Michel Carvone ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka ka qabsoomi doona dhowaan waxa uu ku bogaadiyey dawladda Puntland sida ay uga go’antahay in dalka Soomaaliya uu hore u socda iyo in la helo dawladnimo Soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey midowga Yurub taageeradooda lixaadka leh ee ay la garab taaganyihiin Puntland, isla markaana waxa uu intaa sii raaciyey in ay dawladda Puntland ka faa’iideysanayso dhammaan mashaariicahaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ambassadorka  kawada hadleen arrimaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha la xiriira geeddi socodka doorashooyinka dadba, iyadoona uu Madaxweynuhu xusay in dhammaan heshiisyadii ay dhowaan madasha wadatashiga qaranku  wada saxiixday ay Puntland sidii loogu heshiiyey uga wada hirgeleyaan xilligi loogu talo galay.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Midowga Yurub ku ammaanay dedaalka ay ugu jiraan sidii ay Soomaaliya ula soo laaban lahayd dawladnimadii iyo qarranimadeedii, iyadoona uu Madaxweynuhu meesha ka saaray in aanay Puntland aqbali doonin in wax dib u dhac ah oo dambe lagu sameeyo doorashooyinka dadban.

 

img_8420img_8429

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*