27th July 2024  admin  Category :

Dawladda Turkiga ayaa waxeey ka furatay magaalada Muqdisho xerro ciidan; xerradan, ayaa lagu tababari doonaa sida la sheegay ciidanka Soomaaliyeed. Horey dalka waxaa u joogay ciidamo kalla duggan oo iyaggana bixin jirey tababarada ciidamada. Intaa waxaa dheer, ciidanka AMISOM oo iyana ka hawl galla dalka Soomaaliya. Sidoo kalle, waxaa horey u jiray ciidamo lagu soo tababary meelo kalle duggan oo dibedda iyo dalka isugu jira oo maantana aysan jirin meel lagu sheego. Hadaba, maxaa sababay in maanta Soomaaliya ay noqoto meel ciidamada lagu soo daabullo?

In ciidamo shisheeye oo kalla duggan wadanka yimaadaan sababteeda waxaa iska leh dadka ku abtirsada USCda. Waayoo ah waxeey burburiyeen dawladdii dhexe, mana keenin booskii dawladda ay ka baxday wax ummadii u beddala oo aan ka aheen burbur. Caasimadii dalka oo gacantooda  gashayna waxeey ka dhigeen mid deggi la. Argagixisada in ay dhalato maantana waxaa sababteeda iska leh isla USCda, waayoo ah marka amni xummida iyo qalalaasuhu uu socdo waqti dheer waxaa soo baxaya dad bahaloobay oo leh wajiyo kalla duggan.

Waa maxay sababta USCda loo eedeenayo?

Maamulada Puntland iyo Hargeeysa waxeey xil iska saareen in amnigooda ay suggaan, waxeeyna sameeyeen wax maamul u eg oo dadka laggu hoggaaminayo, aas-aaskeedana ay lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta. Tan iyo burburkii dalkana, ma jirto hal askari oo ajnabi ah oo ka hawl galla deeggaanadaas.

Hadaba, USCda aqoonyahankooda, odayaashooda, iyo cullimadooda waxaa looga baahnaa in iyaguna ay suggaan amniga caasimada Muqdisho iyo gobolada ay deggaan, iyagoo ku dayana waxa ay sameeyeen Garoowe iyo Hargeeysa, ceebna ma ahan inaad qofka ugga dayato waxa wannaagsan.

Waxaan la soconaa in USCda aysan diyaar u aheen in caasimada dalka ay u wareejiyaan gobolada kalle ee dalka maadaama ay iyagii ku fashilmeen ineey xasiliyaan. Waxaana dhab ah ciidan kasta oo la keeno iyo ciidan kasta oo la tababaro ineeysan waxba ka beddeleen sida xaaladu ay tahay illaa USCda siyaasadeeda ay wax iska bedelleeyso.

Hana fillan waqtigaan iyo waqti u dhaw in Soomaaliya ay soo noqoto inta la hellayo laba qodob. Qodobka koowaad haddii Soomaaliya nabad laga rabo ineey ka dhalato waa in USCda ay la yimaadaan si ka duggan sida haddeer ay wax yihiin, mana dhaceeyso in ciidan shisheeyo si kasta oo dalka loogu soo guro ay nabad keeni karaan aan ka aheen ineey dhibka sii kordhiyaan.

Tan labaad ayaa ah in haddii USCda aysan qorshe u heeyn in ay wax ka beddellaan xaaladda sida ay tahay waqtigan ay haboon tahay in dadka kalle ay la yimaadaan qorshe kalle oo dalka lagu samata bixinayo. Haddii labadaa la waayo, dalka sidaa hadda uu yahay iyo si ka darran ayuu noqon doonaa si kasta oo loogu soo daabullo ciidan Ruush, Shiineeys, Turki, ama Kuuriyaan ah.

 

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*