26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta 01 January 2017 kulan lagaga hadlayey nabadaynta magaalada Gaalkacayo kula yeeshay Muqdisho Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdixakiin Xuseen Guuleed.

Kulanka lagaga arrin sanayey xasiloonida iyo nabadaynta magaalada Gaal kacayo ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud , Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Michael Keating.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda puntland oo lahadlay shirka kadib warfidiyeenada ayaa fursad weyn ku tilmaamay kulanka lagu soo afjarayey colaadda Gaalkacyo, waxana uu sheegay madaxweynuhu in saddex qodob lagu heshiiyey oo kala ah

  • In isu socodka magaalada dib loo soo celiyo,
  • In ciidammo Boliis ah oo isku dhaf ah la geeyo
  • Iyo in Bisha February kulan kale la isugu yimaado si looga wada xaajoodo wax yaabaha ka dhaqan-galay qodobbada lagu heshiiyey.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa  guul weyn ku tilmaamay in ciidammada la kala qaado, laguna dedaallo sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dhaqangelinta heshiiska saddexda qodob ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in uu rajeynayo in aysan dib u soo laaban colaadda magaalada Gaalkacyo laguna xaliyo hab amni iyo mid siyaasadeedba.

Wakiilka qaramada midoobey uqaabilsan Soomaaliya ambassador Michael Cheating, ayaa sheegay in qaramada midoobey ay ka go’an tahay in ay taageerto heshiis ka deminta colaadda Gaalkacayo, shacabka Gaalkacayona waxa uu ugu baaqay in ay u istaagaan dhaqan-gelinta xeerarka lagu heshiiyey.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in sannadkaan cusub ee 2017-ka uu ku bilowdey maalin nabaddeed, waxa uu tilmaamay in Gaalkacyo tahay halbawlaha dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimna ay tahay in loo wada istaago sidii  loo fulin lahaa heshiiska la gaaray.

Ugu danabyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey shacabka magaalada Gaalkayo inay meel uga soo wada jeestaan xasilinta iyo deminta colaada, waxaana uu tilmaamay in shacabka magaalada Gaalkacayo ay yihiin dad walaalo ah saa awgeed ay muhiim tay inay ka wada shaqeeyaan wax kastoo dan u ah danahooda.

-DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.1-11-21-31-4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*