18th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16 October 2017 gelinkii danbe  kormeeray magaaladsa Boosaaso ee casimada ganacsiga Puntland, kormeerkaas oo uu ugu kuur gelayey xaaladda guud ee magaalada.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa galabnimo kadib waxaa uu wakhti kooban kula qaatay hotel Gacayte nabadoono, waxgarad, siyaasiyin, aqoon-yahano, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso, kuwaasi oo kulan qaxwe ah uu madaxweynahada Dawladda Puntland la qaatay.

Kormeerka Madaxweynaha oo ay ku weheliyeen wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa ahaa mid Madaxweynuhu kusoo indha indhaynayey magaalada  iyo sidii uu wax uga ogaan lahaa arimaha bulshada iyo aminiga, si looga digtoonaado dhagaraha uu maleegayo cadawga shacabka iyo dhulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay sida ay utahay muhiim ka warqabka bulshada rayid ka ah ee laf-dhabarta u ah dawladda, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu sheegay in ay tahay laga maarmaan dhegaysiga iyo dhexgalka bulshada si wax badan looga ogaado xaalada guud ee dalka iyo arimaha bulshadu hadba meesha ay marayaan.

Dhinaca kale madax dhaqameedkii, nabadoonadii, odayaashii degaanka, waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo bulshadii rayidka ahayd ee ku sugnayd Gacayte Hotel ee uu kulanka la qaatay Madaxweynuhu ayaa ahaa kuwo aad ula dhacsanaa wakhtiga uu Madaxweynahoodu la qaatay, waxaana ay tilmaameen ahmiyadda gaarka ah ee ay leedahay inay lawadaagaan Madaxweynaha wakhti, si ay ugu biiriyaan aragtidooda iyo talooyinkooda.

Ugu danbay Mdaxweynaha ayaa todobaadkan gudihiisa kormeero uu ku kormeerayey xarumaha dawladda iyo goobaha ay shacabku ku kulmaan, sidoo kalena soo dhex maray xaafadaha magaalada Boosaaso si uu ugu kuur galo arimaha bulshada iyo xaalada guud ee magaalada Boosaaso.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*