22nd December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle .
axweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta 23 Nevember 2016 ka qayb galay aas qaran oo magaalada Garoowe loogu sameeyey Illaahay ha’u naxariistee xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo ka mid ahaa xidhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya,
Aaska qaran ee loo sameeyey saaka Illahay ha’u naxariitee xildhibaan Daahir Xaahi Geelle ayaa waxaa Madaxweyanah ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, xubno ka tirasan aqalka odayaasha ee dawladda faderalka Soomaaliya, xildhinaabo kamida Dawladda fadaralka Soomaaliya, madax dhaqameedyo iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey qayskii, qaraabadii iyo qarankii uu ka baxay xildhibaan Daahir Xaaji Geelle isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo.
“Inaalilaahi wa inaa illayhi raajucuun waxaan halka isugu nimi aaska marxuun Daahir Xaaji Geelle oo runtii ahaa xildhibaan Dawladda fadaraalka u meteli jirey Puntland in mudo ah aadna loo yaqaaney wanaagiisa, anaguna si dhaw ayaanu isugu dhoweyn oo aanu saaxiib u ahayn, wuxuu ahaa wasiir kamida golahaygii xukuumada markii aan ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Illaahay ha’u naxariisto illahay meel uga wanaagsan ifka hageeyo, waxaana Illahay uga rajaynaynaa in uu udenbi dhaafo una naxariisto, sigaara waxaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey iyo dhamaan u mada soomaaliyeed gaar ahaan Puntland” ayuu yidhi madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Ugu danbayn, aaska qaranka ee maanta loo sameeyey Illaahay ha’u naxariistee Xildhibaan daahir Xaaji Geele ayaa ahaa aas Qaran oo ay si weyn ugu soo qayb galeen dhamaan golayaasha dowladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada Dawllada Puntland.
–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.