29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa manta 01 December 2017 dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kadib safar shoqo oo ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ethiopia isaga iyo weftigiisu uu haa casumaad rasmi ah oo ay ka heleen Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay kawada haleen Madaxda dalkaasi arrimo la xidhiidha iskaashiga ganacsi, dhaqalaha,  amniga iyo sidii laysaga kaashan lahaa soo afjaridda cadawga tamarta yar ee kudhuumaalaysanaya dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in arrimaha ay kawadahadleen Madaxda dalka Ethiopia ay kamid ahayd fududaynta isusocodka shacabka labadadhinac, ganacsiga iyo adkaynta amaanka xuduuddaha Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dhammaan arrimaha laga wadahadlay ay guul kusoo dhammaadeen, islamar’ahaantaana uu guul u ahaa safarkoodu Dawladda Puntland iyo dalka Ethiopia.

“Sidoo kale waxaanu kawada hadalnay in la fududeeyo isusocodka dadka iyo ganacsiga Puntland iyo Ethiopia, waxaanu aragnay Madaxdiidalkaasi u saraysey oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Etiopia iyo qaar kamid ah Wasiirada dalkaasi, waxaan is leeyahay safar-kaasi wuxuu ahaa safar Puntland guul u ah, Ethiopia-na guul u ah, wuxuu muujinayey baahida labada dhinac oo ay kamid yihiin ganacsiga iyo amniga, waxaanna is leeyahay safar-kaasi wuxuu kusoo dhammaaday guul nabadbaanna kusoolaabanay”ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Ugudanbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay farxad iyo guul u tahay inuu kusoo laabto dalkoo nabad ah, waxaana uu shacabka reer Puntland iyo masuuliyiinta dawladdaba kubooriyey inay illaashadaan nabadda, xasiloonida iyo kaladanbaynta.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*