26th April 2024  admin  Category :

Waxaa muuqata in dalka Soomaaliya ay nabadda ku soo noqoneeso mar haddii meel kasta si fiican looga xusay mawliidka Nabiga Naxariis iyo Nabadgellyo Korkiisa ha Ahaatee. Ummada Soomaaliyeed waxaa warreeriyey niman sheegay in Soomaalida markii horre aysan diin fiican heesan, balse ay diinta si fiican maanta u fahmeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa ku abtirsada Al-itixaad, takfiir, al islaax, al ictisaam al shabaab, alqaacida iyo boqolaal magac oo kalle oo dhamaantood aaminsan fikrado guracan kuwaas oo ay dadka kaga saarayaan diinta islaamka si fudud.

Waxeey dhihi jireen cullumadii horre waa quraafaadiistayaal dadka xoolaha ka cunno. Balse, maanta waxaan aragnaa rag furtay shifooyin, waxaan aragnaa rag hay’addo gargaar sameestay, waxaan aragnaa rag isku qabsanaya masaajidii illaahay kuwaas oo aan horrey u dhici jirrin, waxaan aragnay gabar yar nin guursanaya oo subaxda danbe soo furaya  iyo waxyaabo badan oo aan ka suuroobin cullumadii horre. Midna ogsoonoow adduunka waxaa diinta Islaamka gaarsiiyey cullimada ahlu sunna ama suufiyada dadkii la oran jiray. Nimankan yiri maantaa diintii si fiican ayaa loo bartayna waxaan aragnaa in dadkii soo islaami lahaa xittaa diintii ay u tuseen mid dhiig uun gacanta kulla jirta oo aan naxariis ag oolin.

https://youtu.be/LdWbRGBJ58g

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*