26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Sidiiran loogu Soo Dhoweeyey Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo  ayaa maanta gelinkuu danbe 15 December  2016   gaarey caasimada Dalka soomaaliya ee Muqdisho.

Weftigan uu hogaaminayey Madaxweynaha Dawlada puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airpot ku soo dhoweeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo hawlo shaqo u jooga Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo masuuliyiin kamida golayaasha kala duwaan ee dawlada fadaraalka Soomaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa waxa ay ka qayb geli doonaan shirka madasha wadatashiga qaran qaran ee khuseeya arimaha doorashooyinka soomaaliya, kana furmi doona magaalada muqdisho ee caasimada dalkeena Soomaaliya, waxaana uu shirka madasha qaran salka ku hayaa Sidii looga arinsan lahaa loona soo gebagebayn lahaa Doorashada Soomaliya oo hada meel fiican Maraysa.

Shirka madasha wada tashiga qaran ee lagaga arinsan doono gunaanudka iyo gebegebaynta doorashooyinka soomaliya ayaa madaxweynaha iyo weftiga uu hogaminayey ujoogu donaan maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho,

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawlada puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aayaa door muhiima ka soo qaatay kulamadii kala duwanaa ee ay yeesheen  madasha wadatashiga qaran, isla markaana waxuu  markasta hadafkiisu ahaa inuu madasha ku kordhiyo wax walba oo Soomaliya horumarkeeda ah, guulna  u ah shacabka Soomaaliyeed  iyo Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD—

XADIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.  

img_9395img_9406img_9409img_9412img_9414img_9418img_9421img_9423img_9426img_9429img_9430img_9437img_9441img_9448img_9451img_9459img_9460img_9465img_9466img_9467img_9469img_9471img_9472img_9473img_9478img_9480img_9482

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*