28th March 2024  admin  Category :

Gaashaanle dhexe  Jaamac Saxardiid oo Boosaso lagu dhaawacay

Waxaa goor dhawayd koox hubaysani ay dhaawac ugu geysteen  Magaalada Bosaaso taliye ku-xigeenkii Booliska Puntland gaashanle dhexe Jaamac Saxardiid Cabdi,

Dhaawaca taliye ku-xigeenka oo culus ayey wararku sheegayaan inay toogteen rag bistoollad ku hubaysan oo isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana dhaawaca taliyaha la dhigay Isbitaalka weyn ee Magaalada Bosaaso.

Jaamac Saxardiid , oo ku sugnaa agagaarka Hotel Madiina ayaan wax ilaalo ah wadan xiligii toogtay.

Magaalada Bosaaso ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amaanka wanaagsan Soomaaliya wallow Puntland waayadii danbaba ay dagaalo kula jirtay kooxo xag-jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*