26th July 2024  admin  Category :

Websitkii ugu horeeyey ee lagu soo qoray in Cumar cabdirashiid Cali Sharmaarke laga dhigayo Safiirka Soomaaliya ee dalka  Maraykanka  iyo markii danbe  RW wuxuu ahaa Allsanaag, Sababtuna waxay ahayd xog dhab ah oo aanu ka helnaay Asxaab ka ag dhoweyd  Cumar Cabduirashiid.

Maanta arintu tii waa ka duwan tahay oo lama ogaan karo Doorasho soo socota cidda ku guulaysanaysa . Laakiinse waa la saadaalin karaa cidda guulaysanaysa marka la fiirio dhowr arimood. Hogaamiyaasha maamul goboleedyadu intooda badani  musharaxa ay taageersan yihiin. Isimaddo soomaaliyeed ee soo xulay Xildhibaanada musharax ugu badan ee ay taageersan yihiin. Bulshada caalamka oo iyaduna saamaynteeda leh musharaxa ay taageersan yihiin. Musharaxiinta tartamaya marka laga yiimaado beelahooda, beelaha kale ee Soomaaliyeed  ee ay kalsoonida ka haystaan inay soo doortaan .

Afartan Tusaale oo aan kor ku soo sheegnay madaxda maamul goboleedyada intooda badan , Isimaddi xildhibaanada soo xulay intooda badan, bulshada caalamka oo aan kala harin  iyo beeshiisa maahee beelaha kale intooda badan dhamaantood waxay taageersan yihiin in RW Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu noqdo madaxweynha soo socda ee Soomaaliya.

Taageerayaasha RW Cumar Cabdirashiid ayaa iyagu waxay doonayaan in RW sii labo jibaaro olaha doorashadiisa oo sida ay sheegeen hadda ka muuqato gaabis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*