26th July 2024  admin  Category :

Madaxwenaha Puntland oo Xadhiga Ka jaray Jaamacadda Maakhir ee Magaaladda Badhan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo taariikhdu tahay 19 Sep 2018 waxaa uu xadhiga ka jaray Jaamacada Maakhir ee Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabada xadhig jarka jaamacadda maahkir Guddoomiyaha Golaha wakiilkada Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud, qaar kamida Goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Jaamacadda Maakhir, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Jaamacada Maakhir oo dhismeheedu ka kooban yahay ilaa 7 qaybood ayaa labilaabay aasaasideeda sanadii 2010, waxaana markeedi hore lagu bilaabay iskaa wax u qabso oo ay hormuud u ahaayeen bulshada ku dhaqan Badhan, sanadku markuu ahaa 2015 ayaa Dowladda Puntlnad oo kadhaynaysa Dowladda Kuweit ay dhidibada u taagtay dhismaha Jaamacada Maakhir oo maanta xadhiga laga jaray.

Dhinaca kale Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali shire oo khudbad taariikhiya ka jeediyey furitaanka munaasbada xadhig jarka ayaa soo dhaweeyey horumarka uu ku tilaabsaday Gobolka Sanaag, waxaa uuna suldaanku xusay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee horumar intaas le’eg ka hir galiya Gobolka Sanaag , islamarkaasna waxaa uu suldaanku bulshada ugu baaqay midnimo iyo isku duubnaan.

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*