29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa maanta gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Kulankan ayaa la sheegay in saddexda madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray ay ugaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo siyaasadda dalka halka ay marayso.

Kulanka ayey iskula soo qaadeen xayiraadii dhowaan la saaray magaalada Kismayo taasoo saameysay mid kamid ah madaxweynayaashii dalka soo maray iyo mas’uuliyiin kale sida ay jowhar,com u sheegeen siyaasiyiin kulanka goobjoog ka ahaa.

Sidoo kale kulankan ayaa loogaga hadlay arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan arrimaha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan la iskula soo qaaday arrin ku dhacday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ahayd in ciidamo bar koontarool ku sugnaa ay u diideen inuu maro iyagoo weydiiyay aqoonsi.

Warka ku saabsan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi loo diiday inuu maro waddo ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa si weyn loogaga hadlayay baraha bulshada.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegay in looga hadlayay xaaladaha amni iyo siyaasad ee dalka, iyaga oo muujiyay walaac ay ka qabaan sida ay wax u socdaan iyo waxa ka dhalan kara xaaladaha cakiran ee dalka ka jira, si loo ilaaliyo dowladnimada Soomaaliya, waxey is tuseen xaaladaha iyo caqabadaha jira, lagama maarmaannimada in la helo degenaansho siyaasadeed.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen xaaladaha isu socod iyo jidgooyinka shacabka Muqdisho iyo sidii ay matalaad ku heli lahaayeen ayaa ka mid ahaa qodobada ay ka wada hadleen hoggaamiyayaashi hore.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmaysaa iyadoo xaalada siyaasada dalka Soomaaliya ay marayso meel adag iyadoo dhaliilo badan loo jeedinayo dowlada federalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*