27th April 2024  admin  Category :

Buuhoodle, May 27, 2020: Wefdi uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal Askar ( Macoow) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Image may contain: one or more people and outdoor

Wafdiga Xildhibaanka ayaa Buuhoodle waxaa ku soo dhaweeyay madaxda Dawladda Puntland ee halkaas ku sugan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degaanka.

Socdaalka wefdiga Xildhibaan Cabdirisaaq Macoow ayaa ah u kuur-gelida xaaladaha guud ee Gobolka Cayn oo ah degaan doorashadiisa.

Dhanka kalena, waxaa uu Xildhibaan Cabdirisaaq Macoow sheegay in magaalada Buuhoodle ay ku soo wajahan yihiin qalab loogu tallo-galay ka hortaga cudurka Coronavirus ( COVID19) qeybtii 3aad ee Dawladda Puntland u qorsheysay.

Waxaa magaalada horay ugu sii sugnaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*