26th July 2024  admin  Category :

Halqabsi gaaladu leedahay ayaa yidhaa:” hal sawir waxa uu la qiimo yahay kun eray.” Taasaa keenta in fariimaha la rabo in ay meel fog gaadhan muuqaal lagu gudbiyo.

Sheekadan aan rabo in aan soo gudbiyo waan ka maagay in aan muuqaal ku soo gudbiyo. Xanuunka aan ka qaaday muuqaalka ayaa badan. Sidaas darteed ma rabo in aan bogayga ku soo gudbiyo. Ilmo Afar jir ah ayey arintu ku saabsantahay.

Goobtu waa Gabogabo, Degmada Tuliguuleed, Zonka Faafan, Dawladeegaanka Soomaalida ee DDS. Waa arinta gabadha yar oo 4 jir ahayd oo godka ku dhacday. Afar beri ayey waalidkeedu cawimaad dalbanayeen si godka looga soo saaro. Cagaf ayey u baahnaayeen. Heerarka kala duwan ee maamulada Faafan dhagaha ayey ka daboosheen.

Gabogabo 25 KM waxaan ka badnayn ayey madaxtooyada Jigjiga u jirtaa.

Hooyadii cunugta dhashay afar beri ayey ” hoyo iga saar, hooyo iga saar” iyo dhawaaqyadii miciinka gabay ka seexan weday.

Maalintii shanaad “jalag!” Codkii markii xanuunka lahaa “ee hooyo iga saar” ayaaba roona. “hoyo!” “hoyo!” mar haday maamadii ku cecelisay, wax jawaab ah may helin.

Gabadhii godkii ayey ku dhimatay iyada oo qatan, qaawan, qayloa gabtay. Inaa Lilaahi Wainaa Ilayhi Raajicuun!

Caloolyowga hooyada ayaa ilmo iga keenayaa marka aan sadaradan qorayo!

Arintan xanuunka badan leh (ilmo afar jir ah oo noloshii lagu aasay) waxay cadeynysaa in maamul xumo baahsani ka jirto DDS heer Deegaan, heer Zone, iyo heer Dagmo. Dawladu uma eka miciin. Dad wax in ay umadda u qabtaan diyaar u ah, xirfad leh amase lexejeclo hayso uma eka maamulada isdul saaran dadka maamulka ka ah.

MW Mustafe oo kaliya eeda ma laha in kasta uu isagu yahay hagaha sare ee DDS. Waxa eeda lawadaaga amase kaba badsada Maamulka Faafan iyo kan Dagmadaba.

Inbadan ayaan talo bixin diray. Mantase wax codsi ama talo ah dirimaayo maadaama mas’uuliyiinta kala duwan ee DDS ay dhagaha daboosheen. In uun hadii nidaam dawli ah jiro, shir dagdag ah ayaa la isugu yeedhi lahaa inta arintan meel uun masuulayada ka soo gasho.

Mase dhacsyso. Waa quus! Dawladnimadu waxay ka unkantaa adeega umadda, xeer la wadaago, xirfad wax lagu furfuro, iyo xurmo shacabka loo hayo.

Intuba haday ka maqanyihiin hadafka madexda, waa hubaal dhacdooyin fool xun oo tan la mid ah amase ka daran ay deeganka si soo noqnoqosha leh loogu arki doono.

I established GoFundMe, please donate

Xigasho: Faisal Roble

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*