26th July 2024  admin  Category :

 

https://youtu.be/BgHvXU6q4Hc

Madaxda SNM, oo uu ka mid yahay Raisawasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Cartan oo aan horay  uga tacsiyadeen umadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka geeriyooday Allah u naxariiseee  geesigii Soomaaliyed Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar, ayaa hadana waxay  ku heshiiyeen SNM in aan laga qayb gelin aaskiisa. Waa arin loo Baahan yahay in Soomaali oo dhami wada  ogaato nacaybka ay SNM u  qabaan Soomaalida aan beeshooda ahayn

Allaha u naxariistee sareeyo guud  Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, xilal kala duwana ka soo qabtay dowladdii milatariga Soomaaliya ee uu hogaaminayay sareeyo gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay dhismaha wasaaradda difaaca Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Aaska Janaraalka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar kamid ah madaxweyneyaasha dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed.

Ka hor inta aan la aasin Janaraalka ayaa madaxda iyo dadweynaha ay salaad Janaaso ah kula tukadeen xarunta wasaaradda gaashaandhigga, halkaas oo marxuumka loogu duceeyay.

14034874_655810191250175_8778231058721206181_n14067627_655810531250141_4386278487359429066_n14100434_655810387916822_5464500207863851626_n14100512_655809914583536_5246154162079438217_n14141699_655810454583482_8688752934719882553_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*