26th March 2024  admin  Category :

“Maan Dooriye Mudnaan lakala Siiyey Puntland”

Mudooyinkii ugu Dameeyey Waxaa Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag Ka Degaayey Diyaarado Qaad Ka soo qaada Kenya,  Diyaaradahan Oo ugub ku ahaa Guud ahaan gobolka  Sanaag ayaa Markii ugu Hereeysey Waxaa Diyaarada Kowaad keenya Midka Mid ah Ganacsadtada Qaadka oo Lagu Magcaabo Jamac Yeey,  Degaan ahaana Ka Soo Jeeda Gobolkaas.

Isga Oo LA Kowsadey Dab Kaantaroolka Bosaaso Lagu Saaray Qaadkiisii  Ka Soo Degey Badhan,  iyada oo Magaalada ay Si Caadi ah ugu gudbeen Qaadadka Kale ee Ka Soo Degey Degmooyinka Qardho Iyo Garoowe,  Gubida Qaadka ayaa kaliftay Kacdoon Shacabka Degaankaas oo ka Carooday Qaadka LA kalla Fadilay, markii danbe  Waxaa Ruqso loo ogolaaday Diyaarada Oo Badhan uga Degi Jirtey Si Caadi Ah, Waxaan Ku Soo Biirtay Diyaarad kalle Oo uu Ma’suul ka Yahay Axmed Jamac Saxardiid oo isgana Ruqso Ka Qaatay Wasaarada Duulista hawad Puntland

Diyaaradahan Qaadka ayaa Sida Xogta Lagu hayo Cashuurta Caga Dhigashada Diyaarad Iyo Soo Gelinta Badeecada Saaran Waxaa looga Qaadi Jirey degmada  Badhan iyadda oo loogu xereyn jirey Qasnada Dawlada Dhexe.

Ugu Damayan Warar Badaxbanaan oo La Helaayo ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu Wasaarada Duulita Hawad Ku amray in Xanibaad lagu rogey Diyaarahada Badhan Arinta oo Loo Badinaayo in at Sababtay Ganacsato Puntland Qaadka keeni Jirey oo u Badan Haween Ay haybwadaagaan Madaxweynaha/

Waxaan wararka Lagu Helaayaa in Arinta Ay timi ka dib Markii Haweenka Ay Diyaaarad  Ku yimaadeen Garoowe,  iyaga oo kullan Khaas ah La qaatay madaxweyne Gaas, Arinta ayaa Laga Dareemaya Qaar ka mid ah Degaanada Puntland Waxaana  Cabsi  Xoogan Laga Qabaa In arintani  ay Keento Kacdoon Shacab oo sababi Kara In uu Xumaado Isu socodka Wadada Weyen ee Isku Xirta Puntland Arinta ayaa Ku Soo Beegmeysa Xili Puntland Ay Ku jirto Dagaal Kalla Dhexeya Somaliland iyada oo LA ogyahay in Puntland aaney Si Buuxa uga Arimin Gobolkaas Sanaag

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*