26th April 2024  admin  Category :

Hirshabele oo maantana Moryaan kale Mooryaanimo ku soo saartay

Doorasho Mooryaameed  oo ku dhacday qaab boobsiis ah ayaa goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar, kaasoo lagu doortay labo kursi oo uu tartankooda ka taagnaa Muran iyo is qab qabsi.

 

Wasiirkii Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuux oo todobaadkii hore laga joojiyay inuu u tartamo kursigan ayaa qaab farsameysan ugu guuleystay, kaddib doorasho aanu ogeyn Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban.

Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban ayaa war saxaafadeed uu soo saaray arbacadii waxaa uu tartanka Kursiga Beesha Jidle ka reebay Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ahaa Wasiirkii dhalinyarada iyo Musharax kale ee la tartmayay Axmed Sheekh Nuur Cirro, kaddib markii lagu eedeeyay inay inay sabab u ahaayeen fowdo iyo shaqaaqo ka dhalatay ka dhacday Jowhar 18-kii bishii November.

Wasiir Nuux ayaa xilligaas bilaabay rabshada, markii wareegii hore laga codbadiyay, waxaana Guddiga ay si cad ugu eedeeyeen inuu fowdada bilaabay, halka musharaxa kalena ay taageerayashiisa bilaabeen rasaasta.

Hase ahaatee Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa iska dhega tiray amarkii Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban ee uu tartanka kaga reebay Wasiir Nuux iyo Musharaxa kale ee la tartamayay ee Cirro.

Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle ayaa saaka qabtay doorasho boobsiis iyo deg deg aheyd, waxaana Wasiir Nuux la tartamaysay gabar lagu magacaabo Hinda C/llaahi Cumar, iyadoo Wasiir Nuux uu ku soo baxay 45 cod.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maamulka Hirshabeelle uu ka dambeeyay in doorashadan loo qabto si deg deg ah, iyadoo goor hore oo subaxdii hore ah la qabtay.

axaana Wasiir Nuux la tartamaysay gabar lagu magacaabo Hinda C/llaahi Cumar, iyadoo Wasiir Nuux uu ku soo baxay 45 cod.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maamulka Hirshabeelle uu ka dambeeyay in doorashadan loo qabto si deg deg ah, iyadoo goor hore oo subaxdii hore ah la qabtay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gadaal ka riixeysay in doorashadan dhacdo, gaar ahaan kursiga Mr Nuux uu ku tartamayay oo sifo aan sharci aheyn uu ku soo baxay, dad badana ay la yaabeen, maadaama kol hore Guddiga federaalka ee doorashooyinka ay ka reebeen inuu u tartamo.

Sidoo kale doorasho kale oo kursigeeda muran uu ka taagnaa ayaa iyana saaka la doortay, waxaana uu ahaa Kursiga Beesha Carab Soomaali oo dhowaan loo wareejiyay Jowhar, waxaana ku soo baxay C/casiis Saalax Carmaan oo ahaa Wasiir kuxigeenkii Beeraha.

Beesha Carab Soomaali ayaa horay uga hor-timid doorashada kursigan iyo ergooyin been abuur ahaa oo la xareeyay, waxaana war ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle uu ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble uu fara gelin ku haayo kursigan.

Wariyeyaal ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in qaabka ay doorashadan u dhacday ay ka duwaneyd doorashooyinkii horay uga dhacay magaalada, waxaana ay ku tilmaameen inay aheyd doorasho magacaabid ah, maadaama qaabka doorashada ku dhacday ay aheyd mid deg deg ah.

Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban ayaa laga sugayaa inay jawaab ka soo saareen doorashada Kursiga Beesha Jidle ee loogu doortay Maxamed Xasan Nuux oo ay dhowaan ka reebeen inuu u tartamo kursigan.

1

2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*