29th March 2024  admin  Category :

Maamulka Jubbaland oo qaadacay Shirka Arrimaha Dastuurka ee xaaraanta ah

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhowaaqday inaysan ka qeybgalaynin shirka loogaga hadlayo arrimaha dastuurka oo la qorsheynayo in toddobaadka soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Dr.Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo Todobaadka Soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee, wasiirka ayaan sheegin Sababaha rasmi ah ee uu maamulka Jubba ku diidan yahay shirka oo ay u qaadaceen.

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka Wasaaradda Dastuurka Maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay in aanan ka qeyb galeen shirka loogaga hadlayo arrimaha Dastuurka.

Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka arrimaha dastuurka iyadoo lagu casuumay Wasaaradaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada, Qubaro iyo marti sharaf kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*