26th July 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta beelaha Hawiye ayaa magaalada Muqsisho  madaxweyne Farmaajo waxay  ugu  dhigayaan    riwaayad ah Il buono, il brutto, il cattivo, lit. ”The good, the ugly, the bad”  Siyaasiyiin  fiican, siyaasiyiin  khariban,  siyaasiyiin  xun.  جيد ، سيئ ، سيئ ، مضاء.

Raisul wasaaraha Soomaaliya  Xasan Kheyre, Sheekh Bashiir, Cabdi Qaasim, Goodax, Fahad Yaasiin iyo Ururada magaalada Muqdisho, iyagu riwaayadda Farmaajo Muqdisho loogu dhigayo waxay ku dhigayaan inay yihiin dad fiican oo ka shaqaynaya danta  Soomaaliyeed.

Yuusuf Garaad , Yabaroow, Yariisoow, Yalaxoow iyaguna waa kooxda labaad.

Kooxda Sadexaad  oo ay  kooxda kowaad wada shaqaynta fiicani ka dhaxayso oo ruwaayadda ku dhigaya inay yihiin habaar qabayaal aan jixin jixin oo haddaan waxay doonayaan loo samayn ama loo yeelin in  aan Muqdisho la wada joogi doonin  waa Cabdi Shakuur, Fiqi, Mahad Salaad, Jeesoow  iyo  Guutaale

Riwaayadan markuu daawaday Farmaajo, oo aan horay u lahayn khibrad siyaasadeed,  la taliayaashiisina intooda badan ayna daacad u ahayn inay talo fiican siiyaan ama qaarkood xafiiska lagu naas nuujinayo,  wuxuu maanta sida muuqata uu  aqbalay in awoodiisii tahay. Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya  is the head of state of Somalia and the commander-in-chief of the Somalia Armed Force. Waa sababta uu uga dhamaan la’yahay xarunta maleeshiyo beeleedka Muqdisho oo loogu sheegay inay yihiin ciidan Qaran

Hadaba yaa qaatay awoodii madaxweynaha la doortay Maxaxmed Cabdulaahi  Farmaajo oo ka dhigay magac u yaal ay  caruurta iyo haweenka Muqdisho ugu  heesaan.

Awoodii madaxweynaha waxa qaatay oo si xun   u isticmaalaya isaga oo shilimo ku bixinaya  Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan cali kheyre, Waxaan tusaale u soo qaadanaynaa labo arimood:

Tusaalaha kowaad, Wasiirkii hore ee  Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa,  oo dhowan  xilkiisa uu gudan waayey shaqada uga eryaey    Xoghayihii Joogtada  ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo ka soo jeeday  beesha Hilibi, Murusade ee Hawiye ayaa  Arintaasi waxay keentay inay kaga  caraysiiso RW Khayre , intaa kuma ekaane wuxuu shaqaddii ka eryey wasiirki, halka Yaxye uu maanta  ku mushahaar  qaato la taliyaha Ra;sulwasaaraha ee  arimaha gudaha.

Tusaalaha labaad,  dhowaan markuu Raisulwasaaruha Soomaaliya  yimid qaaradda Yurub sida aad la wada socotaan lama ayna socon wasiirkiisii arimaha dibadda iyo qorshaynta, hase ahaatee waxa ku weheliyey safarkiisa dhalinyaro ka socota  maamulka gobolka Banaadir oo ay qabybsadaan beelaha Habar gidir, Murursade iyo Abgaal. Dalka dibadiisana ama Yurub inteeda kalae waxa uga yimid wafti ay hogaaminaysay Nadiifo Cali Faarax oo ka soo jeeda  beesha Murursade ee uu Raisulwasaaruhu yahay

Ugu danbayntii kooxdan Il buono, il brutto, il cattivo, lit. waxa ka wada dhaxeeya oo ay isku ogyihiin waa  Federaal diidnimo , Dastuur diidnimo, qabyaalad iyo in Soomaali deeqda caalamku ugudeeqo  aanay  Muqdisho soo dhaafin, Ma is waydiisay sababta Kheyre intii uu xilka hayey uuna u soo booqan degaanada kale ee Soomaaliyeed , Mase is waydiisay sababta  Kheyre uga hadli la’yahay dagaalka ka socda gobolka Sanaag ee  dhiigu ku daadanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*