19th May 2024  admin  Category :

Maamulka Isaaqland oo markii laga adkaaday ku dhawaaqay xabad joojin

Maamulka Isaaqland oo dil ku hayey shacabka Dhulbahante 15 sano, oo markii ay dilkii aan joogsiga lahayn ka dhiidhiyeen oo ay diideen inuu sii socdo uu maamulka SNM ugu bedelay Duqaynta hubka meelaha dheer laga soo hago oo ay dad iyo duunyoba ku dhamaadeen ayaa Hadda markii laga adkaaday oo Bulshadu caalamku canbaareeyeen maamulkaas ku dhawaaqay xabad joojin ay caddadiska haysta ku doonayaan inay ku damiyaan isuna habar wacdaan.

Shan maalmood oo xiriira ah oo habeen iyo maalin ah, ayaa magaalada Laascaanood waxa duqaynayey maamulka Isaaqland oo ay ku midaysan yihiin beelaha Isaaq, bulshada beesha Dhulbahante ee ayna beesha caalamku horay hubayn sida maamulka Isaaqland, waa iska caabiyeen ciidankii aadka u hubaysnaa ee jabhadda SNM, sida muuqatana waa ku adkaadeen jabhdayntii ay degaanadooda ku xoreenayeen si ay gacantooda ugu soo laabato.

Hadaba maxay noqnaysaa jawaabta reer Sool ay kaga jawaabayaan xabad joojinta beesha Isaaq ee Bulshada caalamka ay doonayaan inay ku marin habaabinasyso?

Jawaabta reer Sool ee xabad joojinta kaga jawaabayaan oo ay beesha caalamku indhaha ku hayaan, waa in qodabadani ka muuqdaan:

1- In gobolku yahay gobolkoodii oo ay doonayaan inay si Soomaalida kale u noolaadaan.

2- In hubka iyo ciidanka gobolka Sool ka gaystay duqaynta iyo xasuuqa ay yihiin kuwii reer galbeed u tababareen iyo hubkii ay siiyeen beesha Isaaq, iyaga oo aan tixgelin dagaalka sokeeyet ee Soomaaliya ka socda

3- 15 sano, dadkaga ayaa lagu dilayey gobolka Sool, markaan diidnayna Duqayn ayaa logu bedelay, sidaas awgeed ma aamini karno kuwii xasuuqa, dilka, duqaynta iyo barakicinta gaystay in keligood ay xabad joojin ku dhawaaqaan. Waxaan u baahanahay kor joogayaal nabad ilaaliyaal ah oo la keeno degaanka Oog ee u dhaxeeya labada beelood ee Isaaq iyo Dhulbahante. Waana soo dhowaynaynaa haddii bulshada caalamku ay doonayaan inay keenaan ciidamada Afrika ee u jooga Soomaaliya nabad ilaalinta ee ATMIS.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*