27th July 2024  admin  Category :

Madaxweeynaha Maamul Goboleedka Hargeeysa ayaa maanta gaaray Burco. Mar uu la hadlayey shacabka Burco qaar ka mid ah ayuu soo qaatay heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Ereteriya iyo isbeddelka ka socda Geeska Afrika.

Isaga oo shacabka been u sheegaya ayuu is berber dhigay beeshiisa iyo Ereteriya oo caalamka uu dawlad u aqoonsanaa, wuxuuna sheegay in Ereteriay ay adkeesatay ka dib markii cuna qabateen lagu soo rogay, sidaa si la mid ahna, ay iyagu ka badbaadayaan cunaqabateenta looga soo rogay Xamar.

Hadaba, maamulka Hargeeysa ayaa inta badan soo qaata dalal aysan isku arrin aheen sida Teeywan (Taiwan,) Suudaanta Koonfureed, iyo Ereteeriya. Dalalkan ay tusaalaha u soo qaataan dhamaan waa kuwo ka duggan qaab jiritaankooda iyo siyaasaddaha ku xeeran.

Beelaha SNMta ku midoobay ayaa goosasho iskood ah ku dhawaaqay 27 sanno ka hor, hase ahaatee, ma jiro hal dal oo u ballan qaaday inuu aqoonsanayo ama diyaar u ah ineey dhageeystaan quxubka iyo beenta ay la wareegayaan siyaasiyiinta Hargeeysa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in maamulka Hargeeysa uu cagta saaray wadadii burburka, dad badan oo ka mid ahna waxeey aaminsan yihiin in Soomaali weeyn dhinaca ay ka raacaan.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*