26th July 2024  admin  Category :

Inta ay dishay ninkeedii oo Hilbkiisii Bariis isku dhex karis ah ka samaysay ayeey Qado  ahaan ugu   gaysay Fuundiyaal iyo Kuuli guri ka dhisayey meel aan ka Fogayn Gurigooda

Qof Dumar ah oo ka soo jeeda Dalka Moroco ayaa intay  ninkeedii dishay waxay hilibkiisii ka samaysay Cunto aad looga jecel yahay dalkood oo loo yaqaan machboos, markaas ayeey intay qaaday Bariiskii iyo Hilbkii ninkeeda oo isku dalacan  waxay u gaysay (construction labourers} Fuundiyaal iyo Kuuli ka shaqaynayey mel u dhow gurigeeda.

Hanbadii hilibka ninkeeda intii ka soo hartayna waxay u daadisay Kalaabta xaafadda joogtay.

Qisadan ayaa ka dhacday Al Ain, UAE.

Xeer ilaaliyaha Al Ain ayaa sheegay in qoftan dumarka ahi ay  qirtay in  hilibka ninkeeda ay  jarjartay oo ay karsatay

Ninka la dilay walaalkiis  oo isagu degan Ajman ayaa bishii kowaad ee sanadkan Booliiska ku wargeliyey inuu la’yahay walaakiis.

Markii uu  gurigii walaakiis iyo Dumaashidiis   ku noolaayeen   tegayna  oo uu dumashidiis waydiiyey Walaalkiis, waxay ugu jawaabtay war kama hayo oo waa kala tagnay markaan ogaaday inuu naag kale guursday

 

Intaa ka dib ayaa Indhihiisu waxay ku dhaceen mashiinka Cuntada  lagu shiido oo ay Ilko ku jiraan, shaki ayaa galay oo si deg deg ah ayuu Booliiska ugu wargeliyey , taas oo sababtay in la soo xiro Dumaashidiis

Booliiska Al Cayn markii ay ilkahII  DNA u direen si loo soo baaro  waxay ogaadeen inay Ilkuhu yihiin ilkihii ninkii hibkiis bariiska isku dhex kariska ah laga sameeyey

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*