26th March 2024  admin  Category :

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaq aad u weeyn taas oo musharixiinta madaxweeynaha ay ku doonayaan sidii ay u soo jiidan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka.

Hoteelada magaalada ayaa ah meelaha ugu badan ee dhaqdhaqaaqa uu ka socdo, waxaana jira musharixiin iyagu cod ka raadinaya xubnaha baarlamaanka oo aan lacag bixineen iyo kuwo lacagta ay ka soo horeeyso. Hadaba, madaxweeynihii horre iyo taageerayaashiisa ayaa lugu tuhmayaa ineey wadaan iibsiga codadka baarlamaanka ee ugu badan, iyagoona bixinaya lacago kor u dhaafaya soddon kun oo dollar.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka badankooda ay go’aan ku gaareen in Xasan Shiikh iyo taageerayaashiisa ay lacagta ka qaataan, codadkoodana ay siiyaan cidda ay u arkaan inuu yahay qof dalka badbaadin karra. Arrintan ayaa waxeey cabsi weeyn ku beertay taageerayaasha Xasan Shiikh oo ka baqaya in lacagtana lagga cunno, dhulkana lala gooyo.

Dhinaca kalle, xildhibaano badan ayaa u arka in lacagta Xasan Shiikh iyo taageerayaashiisa ay bixinayaan ineey tahay lacag laga dhacay dalka, balse aysan aheen lacag ay iyagu soo shaqeesteen, ayna waajib tahay in lala cunno iyadoon loo coddeeneen.

Hadaba, hadeey xubnaha baarlamaanka ay lacagta ka qaataan ‘qabyo ninkeedaa dhameestira’, iyagoon u coddeeneen, waxeey noqon doontaa guul u soo hoyata ummadda isbedel doonka ah, waxeeyna soo afjareeysaa kooxda dalka iyo dadka burburisay ee u shaqeeysa danaha dawladdaha shisheeye.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*