27th July 2024  admin  Category :

Murashax Cumar Cabdirashiid oo Hadda kula kulmay Gurigiisa, Murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raisal-Wasaare Saacid Shirdoon, Madaxweyne Abdiwali Gaas, Professor Senator Abdirisaaq Juurile, Janaraal Axmed Taajir.

Waxa Magaalada Muqdisho Kulan Ku Yeeshay Madax Sarsare oo ay ka Mid ahaayeen Musharixiinta  Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Ee Kala Ah Mudane.Shiikh Shariif Shiikh Axmed,Saacid Shirdoon,Senator Proff.C/risaaq Cismaan Xasan(Jurille),Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo weliba Madaxweynaha Puntland Mudane.C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxdan Sarsare oo Kulankoodu ahaa Mid Albaabadu u xirnaayeen ayaa Waxa Looga Wada Hadlay Arimo Khuseeya Doorashada Xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya oo Lagu Wado inay dhacdo 8-da Bishan Febraayo.

Kulankan ayaa Ahaa Mid weyn Looga dareemay Magaalada Muqdisho,iyadoona Saacadihii ugu dameeyey ay Socdeen Kulamo noocan oo kale ah oo ay yeelanayeen Musharixiinta u Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa Muuqata Guluf Siyaasadeed oo ka dhan Ah Madaxweynaha Haatan Xilkiisu dhamaaday ee ah Mudane.Xasan Shiikh Maxamuud,walow uu dhankiisa dadaal iyo Suxul duub uu ka wado.

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 3 people, people sitting

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*