27th July 2024  admin  Category :

Ma adiga oo 18 may u dabaal degi jiray  ayaad qaaraan i waydiinaysaa?

Haddii  qaramada midoobay ay  ogaan lahayeen  shakhsiyaad ka mid ah Bulshada reer Maakhir, waxay siin lahaayeen abaal marin  caalami ah oo Shakhsiyaadkasi  ku mutaysteen  bani aadanimada iyo isbedel ay ka dhex sameeyeen mujtamaca ay la nool yihiin ama ay ka soo jeedaan.

Burburkii Soomaaliya intii ka danbaysay, guud ahaan degmooyinka  gobolka Sanaag waxay ahaayeen kuwo aan Dugsiyada wax lagu bartaa ayna ka xirmin ama  ka istaagin, Macalimiinta wax dhigtaana waxay ahaayeen kuwo mar walba helaayey  mushahaarkooda  . Sidoo kale waxa gobolka laga sameeyey Rugo caafimaad oo dadka jiran  lagu daweeyo lacag la’aan ah.

Howlahan oo dhan waxa hormuud ka ahaa oo socodsiinayey  Shakhsiyaad la aaminay oo garab ka helayey qurba joogta Reer Maakhir.

Tusaale haddan u soo qaato  Gabar ka mid ah qurba joogta reer Maakhir oo aad ugu ololaysa horumarinta waxbarashada dalka  Soomaaliya, iyo tan gobolka Sanaag ayaa dhowr sano ka hor waxay soo jeedisay barnaamij ah in ardada ka baxda dugsiyada sare ee  gobolka Sanaag loo diro Jaamacadaha dalka,  iyada oo laga bixinayo lacagta ay wax ku baranayan, si marka ay  soo dhamaystaan ay gobolka ugu soo laabtaan  oo ay jiilalka ka danbeeya  ay iyaguna  wax u baraan iyaga oo guryahooda wada  jooga. Arintaas waa laga miro dhaliyey. Maantana Macalimiintii la qaaday oo laga bixiyey lacagtii  waxbarashada Caruurtii ay waxbareen, ayaa   iyaga oo shahaadooyinka kala duwan diyaarinaya  waxay wax ku barabayaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

Waxa jira Qurba joog kale oo  reer Maakhir ah, oo iyaguna u istaagay inay wax ka qabtaan  dhinaca caafimaadka, wax badan ka bedelay Isbitaalka Badhameed.

Sidoo kale   gobolka Sanaag Waxa ku sugan,  Odayaal u taagan nabadda iyo midnimada reer Maakhir, kana dhigay degaankaas  midka ugu nabadda iyo xisiloonida badan  guud ahaan gobolada  Soomaaliya. Waana sababta hadda loogu soo dhiiraday in maalgashi lagu sameeyo gobolka  iyo in laga hirgeliyo mashaariic waaweyn  sida Jaamacadda Maakhir iyo Jidka ceel Daahir.

Bulshada Reer Maakhir oo aynu kor ku soo xusnay ee u taagnayd    horumarinta Bulshada , midnimada,  amniga ,  la dagaalanka argagixisada iyo la noolaanshaha beelaha la deriska ah, iyana   waxa jiray koox kale oo  ka duwan oo iyaguna ka soo jeeda Maakhir.

Kooxdan danbe ee reer Maakhir , waa kooxda Bisha labaad ee sanad walba bilaabi jiray  inay toshaan dhar ay ku xardhan yihiin Calanka SNM, iyaga oo diyaar garoobaya dabaaldega 18 may ee beesha SNM qabsadaan , iyaga oo sheegta inay yihiin dal ka madax baanaan Soomaali inteeda kale, kana  maarmay Somaliweyn .

Kooxdan danbe ee Reer Maakhir, waa kooxda afartii sanoba soo kaxaysta Tikinika qoryuhu SNM  saaran yihiin ,  iyaga oo leh diiwaan gelin ayaan gobolka ka hirgelinaynaa ama ku   qabanaynaa. Dhowr marna dad ayeey ku dileen diiwaangelintan khasabka ah.  Qurba joogta kooxdan taageersani waa kuwa isugu hambalyeeya in Diiwaangelintii SNM  ay  gobolka Sanaag ka bilaabantay.

Ugu danbayntii  kooxdan danbe, ee  u dabaal degi jirtay 18 may sanad walba  , oo maantana  u shaqaynaya Xisbiga Wadani  ee SNM, ayaa bilaabay  in olole siyaasadeed ka bilaabaan meelaha bulshada reer Maakhir  ku kulmaan ee Internetka iyo telefoonada. Kooxdan ayaa iyaga u adeegaya  Xisbiga Wadani waxay bilaabeen inay bulshada iska hor keenaan, Iyaga kuwooodii caanka ahaa ay  is qarinayaan ,  hase ahaatee adeegsanayo  layli yar oo aan xishoonayn.

Hadaba waxa is waydiin mudan sida  aqoonyahankii , siyaasigii iyo waxgardakii gobolak Sanaag ee daacadda ahaa, una  taagnaa horumarinta gobolka Sanaag uu maanta u aaminay Qori ismariska u shaqaynaya maamulka SNM. Arintan khatarteeda ayeey leeday  yaan lagu milmin Qori ismariska u shaqeeya SNM, oo ujeedadiisu tahay inuu Bulshada kala qaybiyo. Bulshada daacadda ahi  waa inay   si toos ah  ugu sheegeen “Adeer ama Eedo meeshaad ku maqnaan jirtay iska aad noo dhuuman mayside, ” Guul Maakhir

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*