26th July 2024  admin  Category :

Bosooso oo banaan bax ka dhacay iyo Madaxwayne Gaas oo ku wajahan .

Magaalada bosaaso waxaaa manta ka dhacay banaan bax cabasho waxaana xiran suuqyadii ganacsiga dadka banaan baxa sameeyey oo ciidamada boolisku kala cayriyeen waxa ay noo sheegeen in ay ka cabanayaan lacagta shilin soomaliga ah oo dowladu bilowday in ay kala soocdo oo qaarna qaadato qaarna diido.

 

Taasi dad badani ka soo horjeesteen iyagoo ku doodaya in aysan jirin sabab lagu kala garan karo lacagta Soomaaliga ah ilo xogogaal ah ayaa ii sheegay in wasaarada maaliyada iyo dowlada hoose bosaaso ay bileeen arintaan ka dib markii ay dividend in ay canshuuraha ku qaadan lacag aan ahayn mida Puntland daabacdo ee cusub iyagoo ku doodaya in ay jiraan lacago been abuur ah oo Puntland ka soo gala dhinaca koonfureed isla markaana ganacsada iyo sariflayaasha qaarkood bileen tilaabo ay lacagta ku kala soocayaan taasi oo dadka shacabka iyo ganacsada qaybtood aad uga horyimaadeen.

Lacagtan ay dawladu shacabka ku khasbayso ayaa lacag ay dawladu ku daabacday gudaha Magaalada Bosaaso,taas oo sababtay in maciishadu ay cirka isku shareerto.

Banaan baxa saaka boosaso ka dhacay waxaa uu ku soo beegmayaa safar cirka ah oo lagu wado in Madaxwayne Gaas maanta bosaaso kaasi oo sida nalii sheegay in uu la xiriiro balaarinta dekada bosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*