11th October 2024 admin Category :
Gaas oo Qof Dumar ah oo reer Maakhir ah u magcabaya Aqalka Sare
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Madaxtooyada Puntland, ayaa waxay noo sheegayaan in xildhibaanka aqalka sare ee reer Maakhir ku yeelan doonaan Baarlamaanka Soomaaliya uu noqon doono Qof dumat ah oo ku imanaySa qoondadii dumarka ee boqolkiiba sodon ee laga doonayey iny Puntland Xildhibaanadooda ka soo dhex xulaan. 11 Xildhibaan ee aqalka sare ee ka imanaya maamulka Puntland dumarka laga doonayo ayaa horay loo sheegay inay ka imanayaan beelaha Warsangeli, Dhulbaante iyo Leelkase. Mid ka mid ah labaddii ISIM ee reer Maakhir ee isku hayey “siyaasiga aniga xiga ayaa xilkan mudan iyo aniga kan i xiga ayaan la rabaa xilkan ayaa hadda ku guulaystay inuu magcaabo Qof ay ehlel yihiin, isaga oo kaga bedeshay siyasiyiinta beesha Majeerteen in Warsangeli Aqalka sare ka helo hal Xildhibaan
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas beeshiisa wuxuu uga soo xulay inay xildhibaanada aqalka Sare ka mid noqdaan Cabdiraxmaan Faroole iyo generaal Morgan,