28th March 2024  admin  Category :

Siyasiyiinta reer Beledweyn 1991 iyo 2020 waxba iskama bedelin .

1991, siyaasi ka soo jeeda Baledweyn ayuu ahaa ninkii amray Kumaakun Soomaali ah oo isugu jira Caruur, waayeel, dumar iyo Curyaamo in lagu dilo Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan hilibkoodana la siiyo Yaxaaska ku jira webiga Shabelle . Sababtuna beesha ay ka soo jeedeen

1991, Siyaasi reer Beledweyn ah ayuu ahaa ninkii amray in Isbaaro loo dhigto Bulshadii ka soo carartyay dagaaladdii Muqdisho ka socday oo ku sii jeeday gobolada Sanaag, Sool, Bari, Nugaal iyo Mudug. Siyaasigaa reer Beledweyn ayuu ahaa ninkii kursiga fadhiyey oo lahaa waydiiya qabiilkooda. Maalmahaa ninkii sheegtay Daarood maanta ma noola oo waa la dilay, maykooduna maalmo ayuu yaalay jid dheer ee Laamiga ah ee Shiinuhu Soomaalida u sameeyey

2020, Siyaasi reer Beledweyn ah ayaa mar kale Isbaaro u dhigtay shacabkii 1991 LAGU Xasuuqayey Hiiraan, markan awood ciidan ma laha , uu dadka u laayo sidii 1991, dagaalkiisu waxay wuxuu noqday inuu Isbaaro uGu dhigto magac dawladeed Shahaadaddii Caruurtii reer Puntland ee lagu soo tabcay waxbarashadoda.

1991, qofkii ka soo jeeday beesha Isaaq, ama sheegtay beeshaas nabad galyo ayuu ku dhaafi jiray Hiiraan iyo Kaantaroolkii geerida ee Janta ku dishe ee ku yaala Beledweyn

2020, oo Wasiir Qoodax Bare Isbaaro u dhigtay Caruurta reer Puntland , Imtaaxanada Hargeysa laga gelayo Soomaaliland baa Maamusha, Isaguna Shahaadada Dugsiyada-sare Oo Saxiixan buu Mogadishu uuga soo dhiibaa

Siyaasiyiinta reer Beledweyn weli cuqdadii ay umadda Isir nacaybka ugu xasuuqayeen waa ku jirtaa, halka siyaasiyiinta reer Puntland ay iyaguna ku fashilmeen inay siyaasiyiinta reer Beledweyn kula xisaabtamaan xasuuqii 1991 iyo iyo tan maanta ay Caruurtii reer Puntland ay Isbaaro u dhigteen Shahaadadooda

Daawo Siyaasiga reer Beledweyn oo leh “Puntland waa in ay galaan imtixaanka dowladda ama ha isku filnaadaan oo yaysan shahaado soo raadsan, wax ka dhexeeya maleh.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*