26th July 2024  admin  Category :

Maba qaan gaarine sidee Jeneraalka ku helay Abaanduulaha Cusub Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Allah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Cabdi Aar oo  ay ilmo adeer ahaayeen Cabdulaahi Ilko jir oo ay  dugsiga Dayaxa ee degmaada Ceerigaabo  wada dhigan jireem  inkasta  uu g’uyaal ka weynaa, ayaa maalin maalmaha ka mid ah Muqdisho ku  arkay Ilko jiir oo garabyadu guduudan yihiin   oo derejo ku taxan tahay, Isaga oo markaas ka soo baxay jaamacadii Lafoole, waxbarassho u aaday Military Academy ee ku taalay   Odessa (Ukraine), ka soo qaatay Sahaahadadii ugu horaysay, ka sii aaday sanadihii 1980 ilaa 1983 Staff College  oo ku yaal  Cairo, Egypt  ka soo qaatay shahaadadii labaad. Sanadihii 1988-89 waxbarsho u aaday US Army War College oo ku yaal  Carlisle, Pennsylvania Maraykanka .

Ilka jiir oo intaas oo Jaamacadood ka soo baxday ayaa Allah u naxariistee  Maxamed Cabdi Aar oo ay ilmo adeer ahaayeen gabay uu ku leeyahay weli ma gaarin  Da’dii  derajadan lagu qaadan lahaa tiriyey   d’adiisuba  ma gaarine yaa darjada siiyey“? Maanta Caruurtii aan qaan gaarin ayaa garabku cas yihiin cid is way diinaysana ma laha siday ku heleen

Maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu Abaanduulaha Cusub Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed u magcaabay  S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo dhashay labo sano ka hor bur burkii Soomaaliya

Sareeye guuto  Odowaa Yuusuf Raage waxa uu ku dhashay Degmada Aadan- yabaaal ee Gobolka Shebeelaha Dhexe Sanadkii 1987-kii wax-barashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay isla Degmada Aadan yabaal halka tan Dugsiga Sare uu ku qaatay Magaalada Muqdisho Sanadihii 2002-dii ilaa 2005-tii.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxa uu ku biiray Sanadkii 2007-dii 15kii-7-2007-diii waxaa tababar ciidan loogu qaaday dalka Uganda

16-08-2018 waxaa loo magacabay Xilka Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*