
23rd January 2026 admin Category :
Ma Soomaaliya miyaa noqnaysa Dawladdii labaad oo aqoonsata Isaqland
Dawladaha Caalamka oo dhan, urur goboleedyada aduunka ka jira iyo kuwa caalamkuba sida Qaramada midoobay, mawqif cad ayeey ka istaagaan ictiraafka ay Israel ku aqoonsadeen Isaaqland . Dhamaantood waxay yiraahdeen waxaan
taageereen midnimada iyo wada jirka Soomaaliya, iyaga oo aan xusin dagaladdii sokeye ee Soomaaliya iyo sida laysu dilay.
Dawladda Soomaaliya oo la rabay inay si adag hadsho oo xoogan uga hadasho midnimada Soomaaliya iyo inaan dalka lakala goyn karin ayaa madaxdii Soomaaliya ee ugu hore madaxweyne Culusoow waxay warbaahinta ka sheegayaan luqad u eg inay aqoonsi wadeen oo ah waa idin aqoonsan lahayne balantii aynu ku soo ogayn ayaad ka bacdeen.
Madaxweyneha oo maalintii shalay sheegay inuu Soomaalida la hadlayo ayaa marna soo hadal qaadin Soomaalida midnimada Jecel, hase ahaatee uu taas bedelkeeda ka dhigay inuu ku yiraahdo kuwii doonayey inay dalka ka goynayey waa idiin garwono, isaga oo ka dhigaya dagaaladdii sokeeyey ee Soomaaliya ka socday in wax loogu gaystay oo qura besha Isaaq . Uma garaabin kuwa hadda doonaya midnimada Soomaaliya oo 40 sano loo dilayey jacaylka ay u qabaan midnimada Soomaaliya.
Midda kale uu madaxweynuhu sheegay oo u eg in balan uu la lahaa gooshada beesha Isaaq ay ku doonayaan inay goostaan ayaa ahayd in aqoonsigu ku xiran yahay Muqdisho. Waa mid ay dawladda Soomaaliya kaga duwan caalamka intiisa kale oo ay ugu dhowdahay Israel

Ugu danbayntii waxa ugu darnayd Hadalkii uu madaxweyne Culusoow mmanta sheegay ee lagu macno tirayo midnimada Soomaaliya ee uu ku yidhi “Ummadda Soomaaliyeed waxa keliya ee ka dhexeeya waa diinta; kala qabiil baan nahay, kala deegaan baan nahay, kala danaa nahay.” Ma kula tahay inuu ahaa hadal madaxweyne maanta laga filayey inuu umadda Soomaaliyeed isu keeno. Beesha Isaaq ee uu doonayo inay helaan dal ay gaar u leeyihiin isku degaan baan nahay, isku magaalo ayaan nahay xitaa Ceelka Afweyne ayaa naga wada dhaxeeya
ALLSANAAG







