16th April 2024  admin  Category :

Kulankii M. Farmaajo iyo dhigiisa M. Ttrump ee magaallada new York

Waxaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ka dhacay shirkii 74aad ee qaramada midoobay ee sanad laha ahaa, waxaana shirkaa ka qaybgalay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, isagoo halkaa kula kulmay dhigiisa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, shirkoodiina wuxuu u dhacay sidan:


M Trump: mudane madaxweyne ku soo dhowoow waddankayga iyo magaalada New York waxan filayaa in ay tahay markii kuugu horaysay oo aad timaado USA.


M Farmaajo: mudane madaxweyne aad baad ugu mahadsantahy sida diiran ee aad iigu soo dhowaysay waddankaaga iyo magaalada New York, hase ahaatee labaataneeyo Sano in ka baden ayaan ku NOOLAA gobolka New York.


M Trump: oo ma sharci darraad ku deganayd, labaatan sano waa mudo dheer?

M Farmaajo: mudane madaxweyne maya Waxaan ahaa muwaadin maraykan ah.

M Trump: sug sug sug ma waxaad leedahay mudane madaxweyne baasaboor maraykan ah baad lahayd.?

M farmaajo: haaaaa waxaan ahaa muwaadin Maraykan ah mudane madaxweyne. Oo baasaboor maraykan ah leh.

M Trump: w…… war bal yaabkan eega!!! .. mudane madaxweyne hadana miyaanad Ahayn muwaadin Maraykan ah?

M Farmaajo: mudane madaxweyne hada waxan ahay muwaadin SOOMAALIYEED.


M TRUMP: mudane madaxweyne sidee taasi suuragal u tahay?.. war hooy anagaa yaab aragnay.

M Farmaajo: mudane madaxweyne shuruucda labadda waddan baa ii saamaxaya, Soomaaliya iyo USA.


M Trump: sug sug mudane madaxweyne waan ku soo jeclaanayaa ma waxaad leedahay sharcigga labada waddan ILHAAN CUMAR iyadana waa u saamaxayaa inay muwaadin Soomaaliyeed noqoto?.!!!.

M Farmaajo: mudane madaxweyne ILHAAN CUMAR iyadana wuu u ogolaanayaa sharcigu HADAY IYADDU RABTO.


M TRUMP: mudane madaxweyne maxaad adigu u dooratay inaad is bedesho, oo ay iyadu u diidantahay.,,?


M farmaajo: uuuum….mudane madaxweyne ADIGA aan kaa baqay iyaduse ILHAAN kaa biqimayso.

M Trump: mudane madaxweyne wax yar i sug. WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA DHAMAAN INAAD NOO FIRAAQAYSAAN QOLKA, ANGA IYO M

M Trump: Mudane madaxweyne raali iga noqo waa runtaa oo ILHAAN aad bay iigu dhiirantahay wanna is dhibnay, laakiin hadaad ka dhaadhiciso ILHAAN iyaduna inay baasaboorka bedesho mudane madaxweyne waxaad rabto baan ku qabanayaa iyaduna waa nabad gelaysaa TAAGEERAYAASHAYDUNA arintaan hadaad dhamayso, oo ILHAAN CUMAR muwaadin soomaaliyeed mar labaad noqoto aad bay ugu farxayaan taageerayaashayda iyo weliba xisbigayga JAMHUURIGA ah labaduba.

M Farmaajo: mudane madaxweyne arintaa waan dhamaynayaa ka seexo.


M Trump: mudane madaxweyne waxaan kugu daryaa liiska madaxweynayaasha aan jecelahay sida: chairmen Kim Jong Un, Putin, prince MBC liisku waa dheeryahay.

M Trump: Mudane madaxweyne maxaad iga codsanlahayd oo aan ku Qabtaa.? Ogowna RA’IISAL BAARLAMAAN hadaad ka dhigo, kharashka anigaa dhiibaya, ilaa $100 million. waan ogahay in aad qofkaad doonto jago u magcowdo sida: GUDOONKA GOLAYAASHA SHACABK, MADAXWEYNAYAASHA MAAMUL GOBOLEEDYADA, XATAA MACALIMIINTA DUGSI QURAANKA, IYO PRIMEMINSTER KA .. intaba.

M Farmaajo: aad baad u mahadsantahy mudane madaxweyne waxaan rabaa in aan ku daydo MADAXWEYNE PUTIN oo aan teeramka Danbe RW XASAN CALI KHAYRE AAN MADAXWEYNAHA KA DHIGO, ILHAAN CUMARNA GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA ANIGUNA ISU MAGCAABO RW. si aan arintaa u suura geliyo. Waxan rabaa in arintan igu culus aad iiga caawiso. waddanka KENYA ayaa raba inay BADDAYADA Goostaan ilaa 60km taasi waa mid. Tankle, waxan Rabaa in aad ku adkaysato in aan IS BEDELKA CIMILLADDA waxba ka jirin. Waayo ummadda somaaliyeed waxaanu ku sasabnaa, SHIDAAL badan baa dhulkiina ku jira oo waad dhergi doontaan. Hadii shidaalka aduunku ka kaaftoomo sheekada somaaliyeed waa bariga dhexe.

M Trump : mudane madaxweyne aan kaa dhex galee waad i xusuusisaye dhib badan baa iga haysata BARIGA DHEXE, siiba wadankan IRAN oo aan Cuna qabatayn ba’an saaray, marka ay aad u gaajoodaana waxaan ku weerarayaa ciidanka AIRFORCE ka qudha wanna qabanaynaa. Raali iga noqo waan kaa dhexgalaye ii wad.

M Farmaajo: mudane madaxweyne mahadsanid, anigaba labo maxweyne baa I dhibay.


M Trump: mudane madaxweyne maxay yihiin labada MADAXWEYNE, Dalalkeese xukumaan.

M Farmaajo: mudane madaxweyne waxay kala xukumaan PUNTLAND iyo JUBALAND. Mid hadda cuna qabatayn xaga hawada ah baan saaray JUBALAND, bisha dambana waxaan ku weerarayaa CIIDAMADA XOOGGA DALKA BEELAHA HAWIYE (CXDBH), gaar ahaan kuwo la yiraahdo DANAB oo aad u carbisan. AMISOM xataa looma baahna.

M Farmaajo: Mudane madaxweyne arinta BADDA ee KENYA nagu haysato maxaad ka leedahay?

M Trump: mudane madaxweyne waxaan leeyahay taageerayaal badan oo CHRISTIAN ah iyo weliba WADAADADOODA sidaa daraadeed ma rabo in aan arinta BADDA ee KENYA iyo SOMALIA dhex galo, waayo KENYA waa wadan Christian ah sidaa darteed ma rabo inaan taageerayaashayda iska her nimaadno. Waxaanse kugula talinayaa XEEB aad u dheer baa soomaaliya leedahay in ka badan 3300km, 60km waxba somaliya kuma ahe LACAG kaga IIBSADA ilaa $600 MILLION. Aniguba waxaan rabaa in aan Jasiiead ka iibsano Denmark.

M FARMAAJO: mudane madaxweyne ma la Socotaa in KENYA tahay dalkii uu madaxweyne OBAMA uu ku booqday AYEEYADII AABE markii uu madaxweynaha ahaa miyaad hilmaamtay.


M Trump: mudane madaxweyne waad I xasuusisay KENYA waa wadankii uu ka yimi OBAMA. Ka seexo arinta BADDA una daa ICJ maxkamadda aduunka, waana kugu taageerayaa maxkamada. mudane madaxweyne aad baan ku jeclaaday hadii aad iga yeesho waxaan rabaa inaan casho sharaf kuugu sameeyo AQALKA CAD.

M Farmaajo: mudane madaxweyne waan kaa aqbalay casumaada aad ii fidisay waana mahadsantahy. Cuna qabatayn HUBKA in nalka qaado baan rabaa si aanu u sii xoojino CIIDAMADAYA XOOGGA DALKA HAWIYE.


M Trump: mudane madaxweyne arinta HUBKA beri baynu ka waad hadii doonaa midday kala afkeenu waa issu amaano waayo hadaa lagu haystaa wadahadal na dhexmary sing iyo madaxweynaha wadanka UKRAINE….

M Farmaajo: mudane madaxweyne taa ha ka werwerin.

M TRUMP: mudane madaxweyne, arinta ALSHABAAB, SOMALILAND IYO ETHIOPIA iyagana waxaan ka waada hadlaynaa BERI.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*