29th March 2024  admin  Category :

Musharixiinta mucaaradka ah oo u badan shaqsiyaad horey xilal uga soo qabtay hoggaanka dalka, ayaa waxa u muuqatay in aan cidina soo dooraneeyn; sidaa darteed, waxeey billaabeeyn qorshe lagu kicinayo dadka iyo in la abuuro khillaaf xoogan, iyadoo meesha aysan jirin wax weeyn oo loo abuuri karo khilaaf.

Mucaaradka ayaa aaminsan in Farmaajo lagu furo khillaaf iyo buuq aan meesha jirin si sidii Ca/laahi Yuusuf AUN uu meesha isaga tago; hadii Farmaajo uu meesha ka tagana, waxeey mucaaradka rumeeysan yihiin in fursadooda ay noqon doonto mid aad u fiican.

Si Farmaajo meesha looga ceyriyo, waxaa lala yimid arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin in la yiraahdo hebel iyo hebel shaqada halaga ceyriyo, guddiga doorashada ay dawladda soo magacaabatay hala soo beddelo, ineey yiraahdaan Soomaaliya labba madaxweeyne ayeey yeelan doontaa iyo in la soo abaabulo mudaaharaadyo ay ka dhex muuqdaan maleeshiyaad hubeeysan si loo abuuro isku dhac dhiig uu ku daato si fursadahooda kicinta qabiilka ah ay u sii xoogeeysato.

Qaabka ay musharixiinta mucaaradka ah wax ku raadinayaan ayaa ah qaab qar iska xoornimo ah oo aan xigmad badan ku dhisneeyn; si kastaba ha ahaato, Famaajo iyo musharixiinta mucaaradka waa mid ay u siman yihiin doorashada soo socota; waxaa dhab ah cida wax soo dooraneeysaa in ay yihiin baarlamaan ku yimid qaab qabiil, laaluush iyo boob, taas oo minaheedu yahay in baaralmaanka soo socda ay codka ugu shubbi doonaan qofka bixiya lacagta ugu badan.

Hadaba, musharixiinta mucaaradka waxaa u habboon in aysan dalka ka abuurin khalkhal iyo fawdo, iyadoo ujeedkooda ugu weeyna uu yahay sidii Farmaajo ay meesha uga ceeyrin lahaayeen, balse taa beddelkeeda, waxaa musharixiinta u wannaangsan in ay xooga saaraan sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen doorashada soo socota ee ah mida baarlamaanka ay wax soo dooranayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*