28th March 2024  admin  Category :

Badhan iyo Galdogob shuruud ayaa lagu xiray, Qardhona Jawaano ayaa lacag loogu soo qaaday

Lacagtii BXNAANO ee dawlada dhexe ugu deeqday gobolka Sool , waxay ku sheegeen inuu gobolkaasi yahay mid lagu muran san yahay. Waana gobolka qura ee ay Soomaaliya ku sheegeen in lagu muransan yahay

Lacagtii BAXNAANO ee dawladda Federaalku ugu deeqday Degmooyinka Badhan, Galdogob iyo Bariga gobolka Bari weli ma ayna helin, sababtoo ah wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in Puntland ayna bixin shuruudihii lacagtaas lagu siin lahaa, hase ahaatee maamuladdii kale ee buuxiyey Shuruudaha lacagta waa loo fasaxay oo waa heleen ayuu sii raaciyey.

Dawladda Soomaaliya uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Farmaajo iyo wasiirkiisa Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle, oo horay u sheegay in Puntland ayna buuxin shuruudahii lacagta Baxnaano lagu siin lahaa , ayaa shalay markii daadku qaaday degmada Qardho waxay daaqadda ka soo tuureen Hal milyan oo doolar oo bila shuruud ah. Haddii sida Bayle iyo farmaajo sheegeen Shuruud la bixin waayey markan Saacado ayaa dawladda Puntland ku heshay.

Hadaba haddii QARDHO,BADHAN, XUDUN, GALDOGOB, ay Puntland wada yihiin maxay dawladda federaalku ku kala jeclaysanayaan

Sida muuqata madaxweyne Farmaajo gadaal ayuu uga baqayaa Deni iyo Beeshiisa siyaasad ahaan, Badhan iyo Goldogobna waxba iskagama tirin maayo hadda , Reer Xudun iyo Taleexna waa tijaabiyey markii uu degaankooda ku sheegay dhul laysku haysto. oo ay ka aamuseen. Qardho, Badhan, Galdogob iyo Taleex waxay wada ahaayeen Puntland, laakiinse Dawladda dhexe waa kala fadli yeelaysaa

Hoos ka akhriso Maqaal hore

https://allsanaag.com/32328-2/

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

One thought on “Ma sadex Puntland ayaa jirta

  1. Mustafa Mohamed Noor Jarafle

    ???????????
    Taas micniheedu wuu cad yahay
    Galdogob ka hadli maayo
    Sool ka hadli maayo
    Waxa aan ka hadlayaa waa (Badhan )
    Shuuruudahada laydin ku xidhay waxa weeyaan
    Laandheere ma tihidin ee bal buuxiya shuruudaha.
    ???????

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*