27th July 2024  admin  Category :

SNMta ayaa ku eedeeneeysa Khaliif Ciise inuu dad xasuuqay, meesha kuwii xasuuqa ka geeystay gobolada  Sool, Awdal iyo Sanaag ay wada yihiin mujaahidiin. Haddii, kan SNMta ah ee wax xasuuqay uu yahay mujaahid, dadka kallana kooda wax buruburiyey waa u mujaahid. Haddii Siilaanyo, Muuse Biixi iyo ina Kaahin oo xasuuq geeystay ay dad maamullayaan, maxaa dadka kalle kuwooda u diidaya ineey iyaguna wax maamullaan?

Soomaalida waxeey tiraahdaa, “Meed waxaa u danbeeyey kaa la sii siddo” ninka maanta leh xudduud Ingiiriis ayaan soo xirayaa, ayaa doonaya inuu nagala hadlo wax dhacay 1988dii oo runtooda iyo beentooda aan ciddina xaqiijin karin, laakiin Soomaali oo dhan waxeey aragtaa maanta beel Isaaq oo leh xudduudkii Ingiriiska ayaan soo xirreeynaa oo maanta wax xasuuqeeysa, waana kuwaa maanta ciidanka keenay Tukaraq.

Hadaba, waxaa habboon in beesha Isaaq ay dadka ka daayaan casharka beenta ah, is oohisiinta, iyo waxaan jirin aqrinta, waayoo ah dadka weey ka daalleen riwaayadaha alif wa leeylka, cakaarada, xurmo darranta iyo shinbirayhoow heesada.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*