26th April 2024  admin  Category :

Haddii Eritrea aysan kala bixin ciidankeeda Tigray, waxaa laga yaabaa in cunaqabateyn lagu soo rogo, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Sarkaal sare oo aan la magacaabin oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa laga soo xigtay.

Sarkaalkan ayaa sheegay in marka laga soo tago ciidamada Eritrea ay sidoo kale ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyaadka Canfarta ee haatan ku sugan gobolka Tigray ay ka baxaan.

Waxaa la sheegay in ciidamada Eritrea ay gudaha u galeen gobolka Tigray ayna la safteen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, iyagoo halkaas ku sugnaa labadii sano ee u dambeeyay.

Dhinacyo kala duwan oo uu ku jiro Mareykanka ayaa marar badan ka codsaday Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay maqlayaan in xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF ay ka go’an tahay fulinta heshiiskii nabadeed ee la gaaray. Waxa ay sheegeen in ciqaab lagu soo rogi karo ciddii caqabad ku noqoto fulinta heshiiska nabadeed.

Wuxuu yiri, “Kama gabban doonno inaan cunaqabateyno soo rogno” si loo xaqiijiyo in heshiiska nabada la ixtiraamo oo la dhaqan geliyo, iyo in lala xisaabtamo kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Sarkaalkan oo aan la magacaabin oo ka tirsan saraakiisha sare ee arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa hadalkan sheegay mar uu warbaahinta siinayey xog ku saabsan geeddi-socodka heshiiska nabadda ee Waqooyiga Itoobiya.

Heshiiskii ka dib, khilaafkii wuu joogsaday

Sarkaalkan ayaa sheegay in 48 ilaa 72 saacadood gudahood uu istaagay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada difaaca Itoobiya iyo kuwa Tigreega, kadib markii ay dawladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ku heshiiyeen in si rasmi ah loo soo afjaro colaaddii ka dib heshiiskii ka dhacay magaalada Pretoria.

Sarkaalkan ayaa sheegay in joojinta colaada heshiiska kadib ay muujineyso rabitaanka ee labada ciidan ay u qabaan nabadda. Waxa uu sheegay in joojinta colaada ay door weyn ka qaadanayso dadaalada lagu caawinayo shacabka Tigray,Axmaarada,cafarta iyo guud ahaan Itoobiya.

Gawaari ay leedahay Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa gaaray Mekele

Sida ku cad heshiiska nabadeed ee ay labada dhinac gaareen, gaarsiinta gar-gaarka bini’aadantinimo ee degdega ah ayaa ah arrinta aadka ugu muhiimsan, ayuu yiri madaxa xafiiska arrimaha dibadda. Inkastoo ay bilow tahay, haddana waxay u muuqdaan kuwo biulowday, ayuu yiri.

Sargaalka ayaa sheegay in aan heleen warbixin ku saabsan in Gawaari ay leedahay Hay’adda Laanqeyrta Cas ay soo gaareen Mekele. Waxa uu sheegay in baabuurta Barnaamijka Cunnada Adduunka oo ay ku raran yihiin 300 metric ton oo dheeraad ah oo agab gargaar ah ay ku sii jeedaan Mai Tsbri.

Ururka Laanqayrta Cas ee Caalamiga ayaa boggiisa Twitter-ka ku shaaciyay in magaalada Mekele ay soo galeen laba baabuur oo ay ku raran yihiin dawooyin, gurmad raashin ah iyo gargaar degdeg ah.

Sarkaalka sare ayaa sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada diblomaasiyadeed iyo mida saadkuba. Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin inay taageeraan dhaqan gelinta heshiiska nabadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*