23rd October 2024  admin  Category :

Dhagax cabirkiisu la mid yahay  Ukunta ayaa  lagu gatay $6.5m

Tuulada Koryardu ee ka mid ah degmada Kono ee dalka Sierra Leone, oo aan lahayn jid, Cisbitaal, biyo nadiif ah oo la cabo iyo dugsiyo wax lagu barto, ayaa maalin maalamaha ka mid ah  Shacabkii  tuuladaas ku noolaa waxay heleen Luul ama Daimond.  Bulshadii  Tabcaanka ahayd ee ku noolayd  Tuuladaas , waxay go’aansadeen intii ay suuq madow ku gadi lahaayeen dhagaxan Luulka ah  inay dawladooda u gacan geliyaan.

Maalintii Isniinta ayaa dhagixxii luulka ahaa  la keenay suuqa New york si loogu tartamo gadashadiisa. waxaana gatay oo hantiyey  Laurence Graff, oo ku gatay lacag gaaraysa lix milyan iy shan boqol oo kun oo doolarka Maraykanka ah.

Hadaba sidee lacagtaa loo qaybsanayaa laga helay Luulka laga helay  degaan la mid ah Gobolka Sanaag.

Shantii Tuulo ee u deriska la ahaa degaanka Luulka laga helay  waxa loo qaybniyaa $1m, Hal milyan oo kale waxa lagu kaalmaynayaa tuulooyinka kale ee aan waxba haysan inta soo hartana  waxa lagu kabayaa mashaariicda arimaha bulshada ee dalkaas

 

A picture of the 706-carat diamond discovered in Sierra Leone [Saidu Bah/AFP]

peace diamond

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*