8th May 2024  admin  Category :

Musuqmasaqa iyo nin jeclaysiga Puntland ka jira ayaa ka reebtay maamulkaas tartankii kubadda cagta ee maamul goboleedyada.

Mohmed Mohamuud Ahmed (Sakhraawi) , oo ahaa laacibkii galabta dhaliyey goolashii maamulka Puntland looga reebay koobka maamul goboleedyada, ayaa ka soo jeeda degmada Boosaaso ee gobolka Bari

Laacibkan oo xiisaynayey inuu ka mid noqdo xulka kubbada cagta Puntland, aadna looga yaqaanay ciyaar wanaagiisa iyo xirfaddiisa gobolka Bari, ayaa markii uu ogaaday in la qoranayo xulka Puntland oo ay la soo xiriiri waayeeen maamulku, wuxuu socdaal u aaday caasimadda Puntland ee Garowe, si uu halkaa ugula kulmo madaxda xulka ciyaartooyda Qaranka Puntland.

Markii uu la kulmay madaxdaas, . Waxaa loo sheegay in tirada Xulka ay buuxdo, waxayna u balan qaadeen in lagu darayo Ciyaaryahanada Afarta ah Ee dheeriga Amase Tarabuunka la saaro si loo siiyo Fursad Oo marka loo baahdo lasoo dajiyo.

Hase ahaatee markii danbe waxaa lagu yiri iska tag oo raali naga ahow.

Saqraawi kama mid noqon boqolaalka dhalinyarada ah ee reer Puntland oo aan magacyadooda aan la aqoon oo sida musuqmaasaqa, eexda iyo nin jeclaysiga ah Puntland ugu nool

Laacibka Reer Bossaso Sarqaawi Ee Galbta Xulka Galmudug u dhaliyay Goolashii Guusha waxaa la ii sheegay inuu Bossaso ka yimi Garowe-na u yimi in Xulka Puntland lagu daro.

Waxaa loo sheegay in tirada Xulka ay buuxdo. Waxaa la rabay in lagu daro Ciyaaryahanada Afarta ah Ee dheeriga Amase Tarabuunka la saaro si loo siiyo Fursad Oo marka loo baahdo lasoo dajiyo. Balse waxaa lagu yiri iska tag.

Saqraawi waxa uu la xiriiray maamulka Gulmudug, waxayna ku dareen xulkeeda waana kan Galabta Guushii Galmudug Lugahiisa ku qaatay.

Ugu danbayntii Moahmed Mohamuud Ahmed (Sakhraawi) , oo ka soo jeeda beesha Cali saleebaan ee Majeerteen waxa xulka Puntlandlooga looga reebay musuqmaasaq iyo nin jeclaysi, hase ahaatee wuxuu isku keen baray ceeb iyo fadeexadna u keentay maamulka Puntland waa lugtiisa Midig iyo xirfaddisii la xaqiray. Maanta Maamulka Punland waxa laga sugayaa cidda denbigan laga galay wiilka reer Puntland qaadi doonta

Waa ciyaartooyga oo magaaladiisa Boosaaso looga dabaal degayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*